Dilalka qorsheysan oo kusoo kordhaya Boosaaso xilli Puntland doorasho galayso

Image

BOOSAASO, Puntland - Dabley hubeysan ayaa Askari katirsanaa ciidamada amaanka Puntland ku dishay xalay magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari.

Sarkaal katirsan booliska ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in rag bastoolado ku hubeysan ay Askari ku toogteen bartamaha magaalada, kadibna ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada amaaanka Puntland oo goobta falka dilka ah uu dhacay gaarey ayaa sameeyay howlgal daqiiqado socday, oo sida la sheegay aan lagu soo qaban gacan ku dhiig-liyaasha Askariga khaarijiyay.

Dilkan ayaa qeyb ka ah falal amni darro oo kusoo kordhayay xarunta Ganacsiga Puntland xilli kooxaha argagaxisada Daacish iyo Al-Shabaab ay kusoo xoogeysteen gobolka Bari.

Weerarada Boosaaso ayaa kusoo beegmaya iyadoo Puntland ay ku jirto xilli kala-guur ah, oo ku jirto diyaar-garowgii ugu dambeeyay doorashada guud, mida baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Amniga Puntland ayaa faraha ka baxay mudadii shanta sano ee uu xafiiska joogey Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo hadda markale isku soo sharaxay in xilka markale loo doorto.

Xukuumadda Gaas ayaa ku guul-dareysatay inay Ciidanka siiso xuquuqdoodii, mashahaarka iyo daryeelka kale, taasina ay ka dhalatay habacsanaan amni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM