Doon Ruqsad ka haysatay Puntland oo lagu Maxkamadaynayo Thailand

Image

GAROOWE, Puntland- Doon nooca Kalluumaysiga ah oo ruqsad ka haysatay dowladda goboleedka Puntland, ayaa lagu qabtay waddanka Thailand iyadoo loo haysto dambi ah inay ku kacday gaboodfal dhinaca kalluumaysiga ah iyo qaadashada wax ka badan wixii ay ruqsadda uga heleen maamulkan, sida uu baahiyay jaraa'idka Tha Nation.

Chotechai Navy 35 ayaa kamid ahayd 7 Doonyood oo laga leeyahay waddanka Thailand kuwaasoo sannadkii hore bishii March kasoo muuqday nawaaxiga magaalada Boosaaso iyagoo ku gooshayay calanka waddanka Jabuuti, kaasoo xukuumadda Ismaaciil Cumar Geelle beenisay inay leeyihiin.

Doonyahan oo adeegsanaya Shamaagaha mamnuucaha ka ah biyaha caalamka iyo Kalluumaysiga ayaa xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Gaas, waxay siisay ruqsad ay kaga jillaaban karaan biyaha Puntland, taasoo keentay in doonta lagu qabto Bangkok ee dalka Thailand iyadoo la filayo in lasoo taago Maxkamad.

Dowladda Thailand ayaa ku eedaysan Chotechai Navy 35, inay soo Jillaabatay Kalluun tankiisu gaarayo 500,000 kilogram iyo noole kale oo ku nool badda islamarkaana xukuumadda Puntland u ogolaatay 270,000kg.

Agaasimihii hore la dagaallanka Burcad badeedka Puntland, Cabdirisaaq Maxamed Dirir Ducaysane, oo warbaahinta shir saxaafadeed maanta ugu qabtay magaalada Garoowe, ayaa shaaca ka qaaday in arrintan ka marag kacayso qaabka xaalufka loogu hayo biyaha Soomaaliya iyadoo la adeegsanayo shatiyo ay bixiyaan maamullada waddanka ka jira gaar ahaan Puntland.

Ducaysane, wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ka qayb qaadatay sidii Doonyahaas dacwad looga gayn lahaa caalamka, wuxuuna tilmaamay in Afar kamid ah ay ku suganyihiin dalka Iran, halka 2 kale joogaan Seychelles.

Wuxuu, ayaa soo bandhigay warqad ay soo qortay dowladda Federaalka Soomaaliya, bishii March ee sannadkaas, taasoo ka digaysay in la bixiyo Shatiyo aan waafaqsanayn shuruucda dalka islamarkaana aysan ka warhayn dowladda dhexe.

Dirir ayaa intaas ku daray in Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland qayb ka tahay Xaalufka Khayraadka dabiiciga ah ee badda iyadoo uu la ogyahay Madaxweynaha Puntland, wuxuuna tusaale u soo qaatay in shaqadiisa laga joojiyay kadib markii Warbaahinta ka sheegay inaysan haboonayn tallaabooyinka xukuumaddu ku dhaqaaqayso ee la xariira Shatiyada.

Sannadkii hore ayay ahayd markii Kalluumaysato ka carraysan bixinta shatiyada dowaldda iyo xaalufka badda lagu hayo ay qabsateen Markab lagu magacaabo Aris13 kasoo siday Shidaal, waxaana dedaal la sameeyay kadib la sii daayay horaantii Bishii March ee sannadkii 2017.

Dhinaca kale tallaabada lagu maxkamadaynayo Doontan ka Jillaabatay biyaha Soomaaliya, ayaa kusoo aadaysa xilli ay jiraan heshiis 10-kii bishan dhex-maray dowladda Federaalka iyo maamullada xubnaha ka ah, taasoo lagu sheegay in Dowlad goboleedyadu madax bannaanyihiin bixinta Ruqsadda wixii ku eg 24 nautical miles, halka dowladda dhexe ay mas'uul ka tahay wixii intaas ka baxsan.

Sidoo kale dhinacyada ayaa ku heshiiyay in la abuuro, waxay ugu yeereen "Hay'adda Kallumeysiga Soomaaliyeed (Somali Fisheries Authority)" oo mas'uul ka noqon doonta ilaalinta kalluumeysiga Soomaaliyeed. Hayaddaas waxaa Guddoominaaya Wasiirka Kalluumeeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Federaalka waxaana xubna ka ah wasiirada kallumeysiga dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federalka.

Dadka taxliiliya arrimaha xaalufka badda iyo dhibaatooyinka lagu hayo Khayraadka dabiiciga ah, ayaa sheegaya in heshiiskan cusub uu dhabaha u sii xaarayo nidaamka sharci darrada ah ee lagu bixinayo shatiyada la siinayo doonyaha shisheeye iyadoo aysan jirin dowladda awood leh oo la socon karta xadiga iyo nooca Kalluunka ay qaadanayaan Doonyahaha la siiyo waraaqaha ogolaanshaha. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM