Puntland: Doonyo Kalumaysi sharci daro ah oo la soo bandhigay

Image
Image
Image
Image
Image

17 Octobar, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari lagu soo bandhigay lix Doonyo sharci daro ah iyo dadkii saarnaa oo kor u dhaafayay boqol qof, kuwaasi oo lagu soo qabtay hawgallo ciidanka Badda Puntland ka sameeyeen xeebaha.

Doonyaha ayaa laga leeyahay dalalka Yemen iyo Iran oo inta badan si sharci darro ah uga jillaabta xeebaha Puntland.

Taliyaha ciidanka Badda Puntland Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa saxaafadda uga waramay hawgalka lagu soo qabtay Doonyahan, wuxuuna xusay inaysan haysan sharci u ogolaanaya ka Jillaabashada Biyaha Puntland.

Cabdirasaaq ayaa sidoo kale sheegay in sharciga la tiigsan doonaan Doonyaha oo saddex ka mid ah laga leeyahay Iran halka saddex kale yihiin Yemenayiin.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli ay jiraan cabasho xooggan oo ka imaanaysa Kalluumaysatada Puntland, waxaan wadarta Doonyaha sannadka la soo qabtay gaarayaan Sagaal.

Ciidamada Badda Puntland ayaa soo qabta gadiidkaan sharci darada ah balse xukuumada madaxweyne Gaas ayaa sii deysa kadib markii dadka Somalida ah oo keena doonyahaan xeebaha Puntland bixiyaan lacago farabadan kuwasoo lagu tilmaamo ganaax.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM