Doorashada Aqalka hoose oo Garowe lagusoo afmeeray

Image

GAROWE, Puntland- Xalay ayaa la doortay Xildhibaankii ugu dambeeyay 37 Mudane oo Puntland ka heshay golaha shacbiga Somaliyeed oo la filayo in 15 bishan lagu dhaariyo caasumadda Somalia.

Kursigan oo xalay goor dambe la doortay, waxaana iska lahaa Dhulbahante gaar ahaan Xasan Ugaas, waxaana kusoo baxay haweenayda lagu magacaabo Ikraan Yusuf Cali.

Dib u dhaca kursigan ayaa la sheegay inay ku saabsanayd muran ka dhextaagnaan Ergada iyo cidda ay dooranayaan, waxaana markii dambe dadaal dheer doorashadaas ku guulastay Ikraan.

Waxaa ka horeeyay Afar mudane oo shalay la doortay, waxaana kusoo baxay Xildhibaanada kala ah; Axmed Maxamed Axmed “ Dubays” oo helay 42 Cod, Deeqa Siciid Xasan “ Warmajaanle”  oo heshay 50 Cod, Canab Xasan Cilmi oo heshay 45 Cod, Axmed Ismaaciil Shabeel oo helay 48 cod.

Guddiga doorashooyinka, ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin qabsoomidda doorashada Aqalka hoose xubnaha Puntland ka heshay dowladda Somalia, iyagoo hambalyo u diray dhammaanta inta guulaysatay iyo waliba xubnaha kusoo bixi waayay Aqalka hoose.

Maalmaha soo socda, ayaa la filayaan in laga amba bixiyo magaalada Garowe si 15 bishan loogu dhaariyo Xilalkooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM