Dowlada Puntland oo gawaari ku iibisay lacag loogu talagaley abaaraha [Dhageyso]

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo dib ugu soo noqdey magaalada Garowe kadib markii uu magaalada Muqdishu kaga soo qayb galay kulan looga hadlayo arimaha abaaraha ayaa sheegey in lacag 150,000 ah ee dowlada Federaalka horey ugu deeqdey dadka abaaraha waxyeelada gaarsiiyeen ku iibiyeen gawaari booyado ah kuwasoo uu sheegey in howlaha biyo dhaamiska ka qayb galayaan.

Mudane Camey oo shir jaraa'id qabtey markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha ayaa sheegey in dad badan soo waydiiyeen halka lacagtaas la mariyey isagoo sheegey in lacagtaan ku iibiyeen 6 gaari kuwasoo 2 kamid ah tahay kuwa dadka Somalida u yaqaanaan 8boole halka 4ta kale lagu iibiyey gawaarida loo yaqaano waraadyada.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland kuma sheegin warsaxafdeedkaan gadiidkaan hay'ada dowliga ay hoos imanayaan iyo cidda maamuli doonta howlaha  biyo dhaamiska ah ay qabanayaan madaama dhulka Puntland baaxadiisu weyn tahay.

Warsidaha Garowe online ayaa horey u daabacay in lacag 150,0000 Dollar ah oo dowlada Federaalka ugu deeqdey dadka abaaraha Puntland saameynta ku yeesheen Madaxweyne Gaas amrey in dib looga soo wareejiyo guddiga culimmada kadib markii Madaxweyne ku xigeenka Puntland horey ugu wareejiyey guddiyada abaaraha.

Gobolada Puntland iyo guud ahaan dalka Somalia ayaa waxaa ka jira abaaro ba'an kuwasoo sababey in dadka badan u dhintaan macaluul iyo cuddro ka yimid nafaqo daro.

Madaxweynaha Somalia ayaa kulamo badan uu la galay beesha caalamka ka codsadey iney qayb ka qaataan gurmadka loogu jiro taakuleynta dadka abaaruhu saameynta ku yeesheen.

HALKAAN KA DHAGEYSO WARSAXAFADEEDKA MADAXWEYNE KU XIGEENKA PUNTLAND 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM