WARBIXIN: Dowlada Puntland oo ka aamusan Weerarkii Af-urur

Image

BOSSASO- Tan iyo markii  1 Sept, 2017 qaraxyo dad ku dhintey in badan ku dhawacmeen ay ka dhaceen Af-urur oo 100 KM Koonfur Galbeed kaga beegan magalaada Bosaso ayaa dowlada Puntland weli ka aamusan tahay dhacdadaas dhibaatadu kasoo gaartey dad isugu jirey ciidamo iyo shacab.

Qaraxyada ka dhacey Af-urur oo ahaa Labo ayaa wararkii ugu dambeeyey ee laga heleyo goobaha caafimaadka waxay sheegayaan iney ku dhinteen 7 ruux ( 4 Askari + 3 shacab ah ) halka dhinaca kale ku dhawacmeen 43 qof kuwasoo 22 kamid ah ahaayeen shacab halka 21ka kalenna ka tirsanaayeen ciidamada amniga Puntland.

Saraakiisha caafimaadka ayaa warsidaha GO u sheegtey in dadka dhaawacu kasoo gaarey qaraxaan 10 qof oo kamid ah xaaladooda caafimaad aad u liidato.  

Weerarkaan lala beegsadey dadka shacabka ah iyo ciidamada amniga Puntland ayaa sida warsidaha GO xogta ku helayo yimid markii qarax lagu aasey goob lagu iibsho Qaadka halkaas oo isugu yimadeen dad ka tirsan ciidamada Puntland iyo shacabka tuulada. Wararka ayaa sheegaya in markii qaraxa hore dhacey mid labaad lala beegsadey gurmadkii goobta u tagey iney caawinaan dadkii waxyeelada hore soo gaartey kasoo gaystey khasaare badan.

Dowlada Puntland hay'adaheeda amniga iyo madaxda sare ee dowlada ayaa gabi ahaan tacsi u dirin ehelkii dadkii halkaas dhibku kasoo gaarey iyadoo sida kale aysan canbaareyn weerarkaas arxan darada ah oo lala beegsadey dadka shacabka ah iyo ciidanka.

Warar aan ka heleyno Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Wasiirka amniga Puntland  booqasho ku tagey degmada Carmo halkasoo lagu daaweynayo dad ka kamid dhacwyadii qaraxa dhibatada kasoo gaartey balse ma jiro wax hadal ah oo wasiirku siiyey saaxafada Ilaa hadda isagoo dhowaan xilkaan loo magacaabey.

Dhinaca kale dowlada Federaalka ayaa weerarkan wax hadal ah kasoo saarin iyadoo hay'adaheeda amniga u muuqdaan kuwa shaqadooda ku egtahay magalaada Muqdishu.

Degaanka Af-urur oo ah goob ay difaac kaga jiraan ciidamada Puntland ayaa dhowaan weerar gaadmo ah ee lala beegsadey waxaa lagu diley dad isugu jirey ciidamo iyo shacab kuwasoo gaarayey 40 ruux halka ay ku dhawacmeen 100 qof.

Xukuumada Madaxweyne Gaas ayaa sida warsidaha GO fahansan yahay aan qaadin wax talaabo ah oo ay ku adkeyneyso amniga saldhigaas iyadoo wararku sheegayaan in dayac ka jirey halkaas uu sababey weerarka kale ay kooxda Al shabaab la beegsatey tuulada Af-urur.

Madaxweyne Gaas aya tan iyo intii uu xilka qabtey 2014 waxaa hoos u dhacayey tayada ciidamada amniga kuwasoo 19 sano maamulkaan jirey naftooda u hurey difaacida deganaada hoos yimaada maamulkaan.

Qaraxaan ayaa ku soo beegmey xilli dalka uu ka maqan yahay Madaxweyne Gaas isagoo ku maqan gudashada Xajka.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM