Dowlada Puntland oo ka tacsiyeysay geerida Amiirkii waddanka Kuwait

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ee Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka dhigtay in ay murugada la wadaageyso qoyska iyo asxaabta amiirkii waddanka Kuwait ee shalay ku geeriyooday magaala madaxda dalkaas Carbeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni diray tacsida.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland, ayaa Dowladda iyo Shacabka Dalka Kuwait uga tacsiyeeyay geerida Amiirkii dalkaasi Kuwait Sheikh Sabaax Al Axmed Al Jaabir Al Sabaax oo maanta ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Dalka Mareykanka," ayaa lagu yiri qoraalka.

Sheekh Sabaax oo horey u soo noqdey ra'iisul wasaare iyo wasiirka arrimaha dibadda ayaa loo yaqiinay "hormuudka diblumasiyada Carabta".

"Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay u ogsoontahay Dowladda Kuwait mahadna uga haysaa, gargaarka bani’aadanimo iyo Mashaariicda horumarin ee lagu najaxay sida Airportka Garoowe iyo Jaamacadda Maakhir ee Badhan oo lagu hirgeliyay ogolaanshaha AHUN Amiir Shiikh Sabaax Al Axmed," ayaa la raaciyey qoraalka.
Sheekh Nawaf Al Axmed Al Sabaax oo ah 83-jir horey u soo noqdey Wasiirka Gaashaandhiga iyo Arrimaha Gudaha ayaa loo dhaarinayaa jagadaas.

"Madaxweyne Deni ayaa Alle SWC u waydiiyey inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo marxuumka, samir iyo iimaanna Alle kasiiyo dhammaan ummadda Muslimiinta, gaar ahaan Dowladda iyo shacabka Kuwait, eheladii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii, uu ka baxay marxuumku," ayaa lagu soo xiray.

Boqortooyadda Kuwait oo kaalin dhex-dhexaadin ah ka cayaartay murano badan oo dalalka Khaliijka soo kaa dhex-galay sidda xulafadda Sacuudiga iyo Qadar ayaa in ka badan 200 sano waxaa xilka ugu sareeya haya qoyska Al Sabaax.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM