Dowladda Puntland oo si adag xiriirka ugu jartay Dowlada Federaalka

Image

Sida aan horay u baahinay Caawa ayay gollaha wasiiradda Puntland oo uu horkacayo Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxay shir deg deg ah ku yeesheen Madaxtooyadda kasoo looga hadlayo heshiiskii shalay lagu damacsanaa in mamul gobalada dhexe loogu sameeyo.

Shirkan oo mudo socday ayaa ka dib waxaa laga soo saaray qoraal kaasoo lagu sheegay dowladda Puntland inay baaq ugu dirtay xubnaha dowladda Federaalka uga jira inay si deg deg ah Puntland ugu soo laabtan ugu yaraan mudo shan iyo toban maalmood ah.

Madaxwaynaha Puntland Gaas ayaa sheegay Madaxda Villa Somalia inay baal mareen dastuurka KMG ah ee dalka isla markasna ay damacsan yihiin inay isku diraan beelaha Soomaaliyeed ee wada degan.

Waxa kale uu Gaas sheegay shirkooda inay ku go'aamiyeen in si guud ay xiriirka ugu jareen dowladda Villa Somalia taasoo cadaynaysa in horay uu xiriir hoose oo aysan dadku wax badan kala socon uu jiray.

Sidoo kale Puntland ayaa xubinta Guddiga dib u eegaya Dastuurka Dalka ugu yeertay inay kasoo baxdo iyadoona xubintaasi tahay Caasho Geelle Diiriye.

Go'aankan adag oo ay Dowladda Puntland caawa gaartay ayaa yimi ka dib markii Madaxwaynaha DF Xasan Shiikh Maxamuud uu si cad u sheegay maamulka in loo samaynayo Mudug iyo Galgaduud iyadoona Mudug inteeda badan ay xukunto Puntland.

Sidoo kale waxaa heshiiskan ka hor yimid maamulada Ahlusuna waljamaaca iyo Ximan iyo Xeeb oo sheegay inuu yahay mid ka hor imaanaya dastuurka KMG ah ee dalka.

Xukuumadii Madaxweyne Cabdiraxman Farole ayaa horey xiriirka ugu jartey dowlada Federaalka ee Somalia kadib markii ay ku eedyesay in Dastuurka wax ka badaleen islamrkaana aysan madaxdeedu ku dhaqmeen balse dowlada Cabdiweli Cali Gaas ayaan dhag jalaq u siin go'aankaas iyadoo markii talada dalka qabatey dib u bilowdey xiriir ku saleysan booqasho iyo wada shaqeyn kale.

Madaxweynaha dowlada Puntland ayaa waqti uu ka jawaabayey su'aalo ay waydiinayeen Barlamanka sheegey in xukuumadiisu leedahay siyaasad kale ka duwan tii xukuumadii hore taasoo ah ineysan Idaacada kawada hadleyn dowlada Federaalka.

Galmudug ayaa ka talisa Xaafada Baraxleey iyadoona Hobyo iyo Xarardheera ay ku kala sugan yihiin Alshabab iyo Burcad badeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM