Ducaysane “Cabdiwali Aniga Xilka igama qaadi karo isagoo dalka ka maqan” [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Agaasimhii hore la dagaallanka Burcad-badeeda Puntland, Cabdirasaaq Maxamed Dirir Ducaysane ayaa maanta ka hadlay xilka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas), isagoo dalka ka maqan.

Ducaysane oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe, ayaa faah faahin ka bixiyay wax-qabadkiisa oo kasoo bilaabanayay xilligii dowladdii AUN Madaxweyne Cadde Muuse Xirsi, wuxuuna sheegay inuu door-weyn ka qaatay sidii bulshada qurbaha ku nool la isugu xiri lahaa islamarkaana magaca Puntland loo gaarsiin lahaa America.

Cabdirasaaq, ayaa sheegay inuu Somalia iyo Puntland u keenay mashruucii ugu qiimaha badnaa oo ahaa kii lagula dagaallamay Bur-cadda taasoo uu xusay inay laga dhaxlay faa'iidooyin badan.

Eedayn kala duwan ayuu usoo jeediyay Madaxweyne Gaas oo ku dhaliilay inuu  ka gaabiyay shaqada xafiiskan hadii ay ahaan lahayd kharashaadkii uu ku shaqayn lahaa, kiradii iyo korontada intabada, wuxuun taas badalkeeda xusay inuu xafiis ka dhigtay gurigiisa sida uu hadalka u dhigay Agaasimuhu.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in Gaas uu ka gaabiyay talo soo jeedin ku aadan in magaca xafiiskan la badalo maadama ay dhammaatay burcaddii, islamarkaana hadda ay jiraan falal kale oo la xiriira amniga badda iyo jariifka.

Ducaysane ayaa xusay inuu hadda u qareemayo dhalinyaro ku xiran Iran oo loo haysto Burcadnimo.

Mar uu ka hadlayay jariifka lagu hayo xeebaha Puntland, wuxuu sheegay inay ku jiraan Maraakiib Kuuriyaan ah oo magaca badashay kuwaasoo ay wataan dad Somaliyeed dowladduna wax ka ogtahay.

Xilka qaadista lagu sameeyay iyo tallaabooyinka loo maray, ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna sheegay inuu qaban qaabinayay shir looga hadlayay Kalluumaysiga Sharci darrada, taasoo keentay in Wasiir dowlaha Kalluumaysiga Kulmiye uu qorshahaas u gudbiyay Madaxweynaha isagoo ka dhaadhiciyay fikrado khaldan iyo inuu yahay qof kasoo horjeeda xukuumadda.

Cabdirasaaq Maxamed Dirir Ducaysane, ayaa sidoo kale Sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadista uu ku sameeyay Madaxweynaha, maadaama sida uu hadalka u dhigay Dastuurku uusan qabin in Madaxweynaha oo maqan xilka ka qaadis sameeyo isagoo uu joogo ku-xigeenkiisa oo shaqadaas looga baahnaa.

Balse, wuxuu sheegay maadama ay arrimahaas oo idil jiraan uu isagu go’aansaday ka tanaasulka xilkaas.

Jago ka xayuubinta Ducaysane ayaa timid xilli uu muddooyinkii dambe aad uga hadlay Maraakiib shisheeye oo jariif xooggan ka wada biyaha Puntland, taasoo keentay dhawaan in kalluumaysato caraysan gacanta ku dhigaan markab u socday Muqdishu.

Ducaysane, ayaa xilkan loo magacaabay Augusto, 2010 inkastoo uu lasoo shaqeeyay xukuumadihii kala duwana ee Puntland soo maray qaybtood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM