​Farole iyo Cali Xaaji oo si adag ula hadlay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia [DAAWO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Michael Keating ayaa maanta soo gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garowe, wuxuuna la kulmay murashaxiinta u taagan madaxtinimada Somalia.

Xubnaha uu la kulmay waxaa kamid ahaa; Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Farole iyo Cali Xaaji Warsame, oo u taagan madaxtinimada dalka, waxaana shirkaasi ku wehelinayay Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia.

Shir saxaafaddu bannaanka kajoogtay oo mas'uuliyiintan wada qaateen ayay diiradda ku saareen Arrimaha doorashooyinka Somalia, waxaana markii uu soo dhammaaday warbaahinta la hadlay Cabdiraxmaan Farole iyo Cali Xaaji.

Farole, ayaa sheegay inay Keating kala hadleen waxyaabo badan oo ay kamid yihiin dib u dhaca ku yimid magacaabista Liiska Aqalka Sare, kororsiimada waqtiga ee madaxda xafiiska hadda joogta, amniga caasumadda Somalia, dhismaha maamulka Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Wuxuu sheegay inay ku wargaliyeen Wakiilka QM in qorshaha hogaamiyaasha Somalidu wadaan ay tahay kororsiimo dadban ee aysan ahayn doorashooyin dadban, iyagoo walaac ka muujiyeen in dalka lagu celiyo fowdo siyaasadeed.

Cabdiraxmaan Farole, ayaa sidoo kale xusay inay u sheegeen Michael Keating in waddanka laga dhigay fowdo islamarkaana madaxda waqtigu ka dhammaaday wali awood u leeyihiin inay xafiiska ku sii shaqeeyaan iyagoo magacaabaya mas'uuliyiin cusub kuwo kalena boosaskaasi ka eryaya.

Murashax Farole, ayaa sidoo soo hadal qaaday inay kala hadleen Wakiilka, lacagta lagusoo rogay Xildhibaanada, taasoo ay ka muujiyeen saluug xoog leh, wuxuuna ku macneeyay inay tahay qorshe madaxda xafiiska joogta ku doonayaan inay keenaan dad ay iyagu lacag ka bixiyeen oo bari mabda'ooda ku shaqaynaya, maadaama dad badan lacagta iska bixin karin.

Wuxuuu intaasi ku daray inay kala hadleen amniga faraha kasii baxaya ee caasumadda Somalia, kaasoo sheegay in magaalada Muqdishu laga dhigay meel aan la isku hallayn karin.

Farole, ayaa xusay inay ka cabsi qabaan in dalka Somalia lagu celiyo qalalaaso siyaasadeed iyo in tacab khasaar laga dhigo wixii mudada dheer laga shaqaynayay.

Dhinaca kale Cali Xaji, ayaa sheegay inay madaxda waqtigu ka dhammaday doonayaan inay soo celiyaan madashii Qaran ee wadatashiga taasoo macnaheedu tahay in dib loo dhigo doorashada dalka.

Cali Xaaji, ayaa sidoo kale dhaliilay beesha caalamka oo ku eedeeyay inay la wado qorshayaasha ay maleegayaan Xasan Sheekh iyo xulafadiisa, wuxuuna tilmaamay inay tahay arrin aan loo dulqaadan kari.

Wuxuu hadalkiisa ku daray in waddanka fowdo laga dhigay islamarkaana amnigiisa farogalin lagu sameeyay isagoo xusay in dhawaan NISA laga cayriyay 1,500 oo askari, xilkiina laga qaaday Taliyihiin hay'addaasi ee gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa kusoo beegmay xilli dib u dhacyo badan lagu sameeyay waqtigii doorashada islamarkaana dib loo dhigay xilligii lasoo xuli lahaa xubnaha maamulka goboleedyada ee Aqalka Sare, waxaana jirta cabsi laga qabo qabsoomidda doorashada Somalia ee 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM