​Farole oo ka qayb galay shir Abaaraha Puntland looga hadlayay [Sawirro+Cod]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Kulan looga hadlayay abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada Putland, ayaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana lagusoo bandhigay warbixin ka hadlaysay heerka ay marayso xaaladdu.

Shirkaas oo ka dhacay caasumadda Garowe, waxaa joogay Xildhibaan Aqalka Sare ee Somalia, Cabdiraxman Sheekh Maxamed Farole ahna murashax u taagan hogaanka dalka iyo mas'uuliyiin kasocotay xukuumadda, Culimaa'uddiin, aqoonyahanno, waxgarad, isimo,maayarada degmooyinka qaybtooda iyo qaar kamid ah hay'adaha deeqaha bixiya.

Warbixin ka hadlaysay abaarta ka jirta Puntland, ayaa lagu sheegay in degmooyinka qaybtood xaaladoodu aad u liidato islamarkaana u baahanyihiin in si dhakhso ah wax loogu qabto, iyadoo sidoo kale la sheegay inay jiraan dad Oon iyo Gaajo u geeriyooday.

Guddiga gurmadka Abaaraha ee Culimada Puntland, ayaa sheegay inay wadaan dadaal dadkaas lagu samata bixinayo, waxayna dowladda ka codsadeen inay kala shaqeeyaan sidii gar-gaarka loo samayn lahaa iyagoo ka codsaday xukuumadda Labo gaari oo shaqada lagu fududeeyo, waxaana ballan-qaaday Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Wasiirka, ayaa sidoo kale madasha ka sheegay in dowladda bixinayso 325 Booyadood oo biyo ah, kuwaasoo la gaarsiin doono meelaha ugu daray gobollada Puntland.

Wasiir Karaash, ayaa sidoo kale dhaliilay hay'adaha deeqaha bixiya, wuxuuna xusay inaysan had iyo goor ka turjumin baahida jirta ee ay ku socdaan damacooda, balse wuxuu xusay in arrintaas iminka socon dooni, wasaaraddu meel kasta joogto.

Madaxweynihii hore Puntland, Cabdiraxmaan Farole, ayaa madasha ka sheegay hadal dhinacyo badan taabanayay oo uu kaga hadlayay abaaraha iyo waayo aragnimada uu uleeyahay sida dadkaas wax loogu qaban karo.

Wuxuu ku booriya dowladda in la helo warbixin joogto ah oo ka hadlay hadba xaalku meesha uu marayo, isagoo kula dar-daarmay inay ka feejignaadaan Eex iyo qaadasha warar aan sax ahayn oo inta badan ka imaan kara xubno u danaynayo deeganadooda ee ku jira dowladda.

Farole, ayaa sidoo kale ka digay NGO-yada xilliyadan oo kale ka faa'iidaysta ee dadka saara lacago aan macquul ahayn, wuxuuna sheegay in guddiyada gurmadka ka shaqaynaya lagu daro Culimada kuwaas oo sheegay inuu isagu ku kalsoonyahay.

Xildhibaanka, ayaa sidoo kale hadalkiisa ku daray inuu diyaar u yahay sidii dowladda talo uga siin lahaa qaabka dakhli lagu heli karo, maadama uu xusay in jeebka dowladdu yahay mid aan waxbadan ku jirin.

Dhinaca kale, wuxuu ku baaqay in la yareeyo waxyaabaha fasahaadka keeni kara sida; lacagaha tirada badan ee lagu bixinayo doorashada Aqalka hoose, isagoo xusay in tani keeni karto, inay soo baxaan shakhsiyaad aan u danaynayn bulshada oo wakiil u ah dad aan dalka iyo dadkaba dan ka lahayn.

Mudane Farole, ayaa hadalkiisa ku daray inay sidoo kale wadaan qorshe la xiriira casriyayn lagu samaynayo dhismaha Garoonka diyaaraha Garowe oo shaqadiisu socoto, wuxuuna xusay in maalinta Sabtida ee fooda nagusoo haysa loo ballamay shir arrintaasi ku saabsan, wuxuuna tilmaamay in dadka ama shirkadaha lagu qoray ka qayb qaadasha howshaas ee ka hara lagu dhajin doono Boor laga taagayo afaafka hore ee Madaarka si bulshadu u aqoonsato waxa ay yihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM