​Farole oo taageeray digniintii Beesha Caalamka, madaxda maamulada-na musuq ku eedeeyey [DHAGAYSO]

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynihii hore ee Puntland ahna musharax u taagan xilka Madaxweynaha Somalia ayaa warsaxfadeed uu ku qabtey aqalkiisa magaalada Garowe ku sheegey in geedi socodkii doorashada Somalia burbur iyo siyaasad xumo lagu maamuley sidaas darteedna aan lagu kalsoonaan karin natiijada kasoo baxeysa.

Musharax Farole ayaa hadalka uu saxaafada siiyey saaka 23 December, 2016 ku tageerey qoraalkii digniinta ahaa oo beesha caalamka  u dirtey madaxda madasha isagoo ku sifeeyay mid ay la soo daaheen balse yimid waqti loo baahnaa.

''Musuqa iyo is-dabamarinta lagu sameeyey doorashada xildhibanada ma jirto qolo ka madax banaan, maxaa yeeley in badan oo maamulada ragga jooga kamid ahi ama waa tageerayaal ama waxaan oran karaa waa waxa la yiraahdo campaign managers ama waa murashax lafitigiisaba, xafiiska sarena ragga jooga iyagana warkooda waad haysaa waa murashaxiin"sidaas waxaa yiri mundane Farole oo ka hadlayey musuqmaasuqa doorashada.

Murashaxa, ayaa sidoo kale madaxda Madasha ku tilmaamey iney noqdeen kuwo go'aan ka gaari waayey geedi socodka doorashada Somalia kuwasoo  muddo dheer ku sugan Muqdishu.

" Hadda Toban berri ayaa qolada loogu yeerey madasha qaranka Xamar fadhiyaan,  waad ogtihiin dalka waxaa ka jira Colaad iyo abaar baahsan, Toban berri oo natiijo la'aan ah oo Xamar la fadhiyo, dadkii doortey dadkaas maxay ugu maqan yihiin ha is-weydiiyeen, waxaan maqaley Hal shay kaliya ayey ku hehsiyeen taasoo ah in maamul goboleed walba inta lagu eedeyey musuq ama ha kula shaqeeyo Xamar ragga iyagu ka sharaxan ama isagu ha is-wado in nin walba la yiraahdo aan isku ceeb qarsano qolo walba nasiibkeeda ha  hulaabato" ayuu warsaxafadeedkaan  ku sheegey madaxweynihii hore ee Puntland 

Dhinaca kale Madaxweynahii hore ee Puntland oo ka hadlayey dhibaatada ay keeni karto musuqmaasuqa lagu sameeyey doorashada ayaa sheegey iney suurtagal tahay iney ka faa'ideystaan kooxaha argagixisada ah waxaana uu yiri isaga oo ka hadlaya " Somalia waa ogtihiin marka wax la xumeeyaba cidda loo bixiyo ciilqabe meel kale ayuu dabada gashadaa, argagixsidaan maanta Somalia ka jirta oo qayb ka aheyd nimankii maxaakiimta waxay ka dhasheen dagaal oogayaashii Somalia ka jirey, dadkii marka iyagu ciilqabey oo dagaal oogayaasha dhibaatada u gaysteen waxaa kasoo dhex baxey dad fogaadey kuwasoo diin wax loogu sheegey bilaabey in dadka ku laayaan iyagoo tageero dibadeed ku heley iyo mid gudaha." 

Xaalada magaalada Galkacayo

Musharaxa Madaxweynaha Somalia oo si guud uga hadlay xaaladda guud ee Puntland gaar ahaan magaalada Galkacayo ayaa sheegey  gobolka Mudug la kala xiray isu socodkii dadka iyo ganacsiga taasoo ay ku lug leeyihiin mas'uuliyiin ka tirsan xukuumadda, kuwasoo uu sheegey iney isu badaleen dagaal ogayaal, waxaana uu yiri isaga oo ka hadlaya arinkaan " Puntland 18 sano ayuu maamul ka jirey ilaa 1992 oo aan joogey ganacsigii Somalia oo isu furnaa waa xayirmey, waxaana xayirey dad yar oo kooban oo maamulka Puntland ku jira oo dagaal oogayaal cusub noqdey, ilaa Sanadkii hore 2015 dagaalkii Galkacyo ka dhacey waddo yar oo la isku qabtey taasoo maamul degmo ay xalin karey iyo odayaal dhowr ah lagu galey dagaal dhiig badan ku daado kaasoo keeney in dagaal sokeeyo dhaco islamarkana ganacsigu xirmo." 

Farole ayaa sheegey in dhibaatooyinka intaas  leeg oo Puntland ka jira dhinaca dhaqaalaha, amni darada Galkacayo, Bossaso iyo iyadoo buuraha ka xiga labada dhinac Cadow ka fadhiyo aysan shacabka awoodin Puntland in madaxdoodu ku maqnaato shir aan kasoo baxeyn.

Farole, ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay xaaladda Somalia kusii socoto gaar ahaan hadii aan laga jawaabin digniinta beesha Caalamka, wuuxuuna ka digay in dalka Somalia dib loogu celiyo dagaalladii sokeeye iyo fowdo siyaasadeed.

Ugu dambayn beesha Caalamka ayuu ugu baaqay in doorashada Somalia xaalkeeda geeyaan golaha ammaanka ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa oo lagu falanqeeyo sida laga yeelayo, inta ka horraysana laga yaabo in murashaxiintu isu tagaan oo ay qaadacaan doorashadan qorshaheedu socdo isagoo xusay inay xiriir iyo wadatashi ka sameeyaan musuqa iyo hagardaamooyinka hareeyay hannaanka geedi socodka doorashada waddanka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM