Faroole oo gudoomiye looga dhigay Guddiga xalinta khilaafka DF iyo maamulada

Image

GAROOWE, Soomaaliya - Madaxwaynihii hore ee Puntland, haatana ah Senator katirsan Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, Cabdiraxmaan Maxamuud Faroole ayaa gudoomiye looga dhigay Guddi uu Golluhu u saarey xalinta khilaafka maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe.

Habdhowraha Gollaha Aqalka Odayasha, Senator Cabdi Kaafi Macalin Xasan, ayaa sheegay in Guddigaan uu ka shaqayn doono in xal loo helo muranka siyaasadeed ee haatan jira, isagoo carabka ku dhuftey inay la fariisan doonaan labada dhinac ee is haya.

"Kadib kulan ay isugu yimaadaan Guddonka Gollaha ayaan arrintaan go'aan lagu gaarey waxaana gudoomiye looga dhigay Cabdiraxmaan Faroole, kuwaasi oo xal u raadin doono khilaafka laanta fulinta iyo maamulada," ayuu yiri Habdhowre Xasan.

Senator Faroole ayaa hogaaminayey Guddigii uu Aqalka Sarre udirey degaanada Puntland, kuwaasi oo warbixin kasoo diyaariyey tabashooyinka maamulka Gaas ka qabey Villa Soomaaliya, waxaana ay horgeeyeen Isniintii Guddoonka Gollaha.

Caasimadaha maamulada ayaa waxaa loo direy si lamid ah, Guddi kuwaasi oo xal doon ah, waxaana loosoo dhiibay qoraalo ay ku cad yihiin waxyaabaha ay dowladdu ka tabanayaan, iyaga oo cadeeyay inay diyaar uyihiin wadahadal arrintaasi laga gallo.

Is-marin-waaga siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa keenay in kadib kulan ay ku yeeshaan Kismaayo bishii hore ay kaga dhawaaqeen maamuladda inay xiriirka u jareen Villa Somalia, iyagoo ku eedeeyeen faragelin, fulinta la'aan heshiisyo hore iyoo faragelin arrimahooda gudaha.

Tani ayaa wadada u xaartey inay hakad galaan wadashaqayntii dhex-mari laahyd labadda dhinac, taasi oo dib u dhac ku keentay arrimo kala duwan kuwaasoo muhiim u ah Hiigsiga dowladda jirta ee marka ay soo gabagabowdo mudada xileedkeeda.

Guddigaan uu gudoomiyaha u yahay Senator Faroole ayaa rajo wanaagsan laga leeyahay inuu xaliyo xurgufta dhex-taala labada dhinac, taasoo siyaasada Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay ka noqotey wax caadi ah, inkastoo Shacabka aysan la dhicin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM