Fayruska Corona: Puntland oo ka jawaabtay qulqulka Itoobiyaanka

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa jawaab rasmi ah waxay ka bixisay qulqulka Itoobiyaanka galaya xarunta gobolka Bari ee Boosaaso xili ay jirto cabsida faafitaanka fayruska safmareenka ah ee Corona.

Dr Jaamac Faarax Xasan, oo ah wasiirka caafimaadka Puntland kana mid ah guddiga wacyi-gelinta iyo ka hortagga Covid-19, ayaa sheegay in la hubiyo badqabka soo galootigaas.

Wasiirka oo xalay warfidiyeenka kula hadlay magaaladda Garowe ayaa wuxuu tilmaamay xukuumadda ay haatan diyaarineyso qorshe istaraatiijiyadeed oo xal loogu keenayo dadkaas.

"Waa run, waxay kamid tahay caqabadaha jira ee loo baahan yahay in la xaliyo dadka qaxootiga ah ee lugeynaya ee u badan dadka Itoobiyaanka ah. Annagu xiligaan la joogo waxaan hubinaa marka hore in ay caafimaad qabaan oo aanu qabin ama aysan ka muuqan cuduradii loogu talagalay. Waxaana rajeyneynaa oo hadda qorshihiisu yahay in istaraatiijiyad xukuumadeed oo mideysan laga gaaro maxaa yeelay arrinka mid fudud maaha, hadii aad joojiso siddii aad dadkaas u geli lahayd baa ka horeysa in aad xal u keento, marka arrintaas waxay u baahan tahay go'aan istaraatiiji ah, go'aankaasna hadda gacantaa lagu hayaa," ayuu wasiirku kaga jawaabay qulqulka Itoobiyaanka.

Dadka Itoobiyaanka ah ee galaya Boosaaso ayaa lagu waramay isugu jira kuwa shaqo raadis ah iyo qaar kale oo doonaya in ay tahriibaan.

Itoobiya ayaa kamid ah dalalka laga helay cudurka dilaaga ah. Kiisaska waddanka ayaa ka badan 20, balse illaa iyo haatan ma jiro qof u geeriyooday, sidda ay warisay wasaarada caafimaadka.

Puntland ayaa nan wali laga helin wax kiis ah. Afar qof oo saddex kamid ah ay kasoo jeedaa qaarada Aasiya laga waayey xanuunka markii laga baarey. Hal qof oo Soomaali ayay baaris ku socotaa.

Guud ahaan Soomaaliya, kiisaska ayaa gaaraya sagaal; todoba kamid ah oo ay ku jiraan laba ajnabi ah waxaa laga soo sheegay Muqdisho, halka laba kale ay sheegatay Somaliland, wallow shaki weyn laga muujiyey.

MUUQAALKA WASIIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM