Madaxweyne Gaas oo ka hadley maalinta calanka Somalia [Dhagayso]

Image

12 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa diray hambalyo ku aadan 61 sano guuradii ka soo wareegtay xilligii la taagay calanka Somalia.

‘’Halkaan waxaan rabaa inaan hambalyo uga diro umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan , taasi oo ku aadan maalintii la sameeyey calanka Soomaaliya ‘’ Ayuu yiri Madaxweynahu.

Gaas ayaa nasiib daro ku tilmaamay inaan la gaarin hadafkii iyo himilooyinka qabeen shacabka Somaliyeed xilligii la taagayay calanka Somalia, wuxuuna ALLA u baryay hindisa calanka Maxamed Cawale Liibaan.

‘’ Calankaasi waxaa uu noqday hadana yahay astaanta midnimada qaranka Somalia, mar walba waxaan qabnaa rajo ah in umadda Somaliyeed dib isugu soo noqdaan , rajooyinkii iyo himilooyinkii ay umadda Somaliyeed 60-dan sano ka hor qabeena inay u rumowdo ayaan rajeyn ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan umadda Somaliyeed ugu baaqay in midnimadooda iyo wada jirkooda ka shaqeeyaan , dhibaatooyinkii laga dhaxlay dagaalada sokeeyana layska cafiyo , si meesha uga baxdo kala tafaraaruqa jira.

61 sano guurada calanka ayaa laga xusay qaybo ka mid ah Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM