​Gaas oo ka hadlay Xirnaanshaha Suuqyada Bosaso, Shirkii Amniga iyo Xariga Wariye Kilwe [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta soo gaaray magaalada Garowe, ayaa ka hadlay dhowr qodob oo ay kamid ahaayeen, Shirkii amniga Qaranka ee Muqdishu lagusoo gaba-gabeeyay,  Shirka wasiirradda Somalia ku qabsanayaan Kismayo, Xirnaanshaha suuqyada Bosaso, Wariye ku xiran Garowe iyo dagaalka kooxda Al Shabaab.

Cabdiwali Maxamed Cali oo soo dhaweyn kadib warbaahinta kula hadlay xarunta Madaxtooyada magaalada Garowe, ayaa sheegay in socdaalkiisii qaatay muddo ku dhow 10 casho ee ku saabsan ka qayb galkiisa shirka ammaanka qaranka uu kusoo idlaaday guul iyo is-afgarad ku qotomay in si wadajir ah loo difaaco waddanka iyo in la helo ciidamo leh Summad qaran.

Madaxweyne oo la weydiiyay inuu ku dooday ku salaynta ciidamada qaranka habka wax ku qaybsiga beelaha, ayaa beeniyay arrintaas oo ku tilmaamay mid looga hadlayay Baraha Bulshada.

“War dalkan wuxuu u baahanyahay ciidamo leh summad qaran, hadii la rabo 5,000 Jubbada ha laga keeno, 10,000 Gedo ha laga keeno, muhiimado waa in ciidan waddanka difaaca la helo, arrintan aad ka hadashayna Social Media ayaa looga doodayay ee ma ahayn waxaan annagu ka hadalnay,” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Xirnaanshaha suuqyada Bosaso, ayaa wax laga weydiiyay, wuxuuna sheegay in dowladdu raadinayso Canshuur waajib ah, cidda wax laga qaadayana ay tahay dadka guryuhu u kiraysanyihiin, balse Ganacsatadu iskood u doodayaan.

“Waxaa laga qaylinayo waa Boqolkii Afar ha la bixiyo, dowladdu waxay raadinayso waa Canshuur waajib ah, cida laga raadinayana waa qofka Ijaarka qaadanaya ee ganacsatadu iyagaa iskood u qaylinaya, ka leex leexad malahan waa in canshuurta la bixiyaa waana waajib Dastuuri ah,” Ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha Puntland.

Wariye Madax bannaan oo muddo labo todobaad ah ku xiran Magaalada Garowe islamarkaana la sheegay in xabsigiisa uu amray Madaxweyne Gaas ayaa wax laga su’aalay wuxuuna sheegay in maxkamad la gayn doono islamarkaana uu leeyahay wixii uu ka helo Sharciga.

“Arrinta Wariyaha, haduu wariyuhu xiranyahay sharcigaa la horkeenayaa, wuxuu ka heluu leeyahay,” Ayuu kusoo koobay Madaxweyne Gaas su’aashii la xariirtay Wariye Kilwe oo muddo ku xiran caasumadda Puntland.

Gaas, oo ammaanayay tallaabooyinka dhinaca ammaanka ah ee ay qaadeen ciidamada difaaca Puntland, ayaa fariin u diray shacabka, wuxuuna sheegay in lagalayo hayaan dheer oo ku aadan sidii waddanka looga saari lahaa Al Shabaab iyo Daacish, isagoo ka codsaday inay taageeraan laamaha amnigana u diyaar garoobaan dadaalka lagu raadinayo in lagu xasiliyo Puntland iyo guud ahaan Somalia.

Madaxweynaha Puntland oo sidoo kale ka hadlayay hormarka waddanka iyo tallaabooyinka loo qaaday dhinac hormarka, ayaa soo dhaweeyay shirka wasiirrada Somalia, barri oo Khamiis ah ku yeelan doonaan magaalada Kismayo, wuxuuna sheegay inay muujinayso sida ay isugu soo dhawaanayaan dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM