Gaas oo ku dhawaaqay in Puntland geli karto Heshiisyo Caalami ah

Image

DUBAI - Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa Shir Jaraa'id oo uu ku qabtey magaalada Dubia, ee wadanka Imaaraadka kaga hadlay xaaladda dalka iyo arrimaha Federaalka.

Madaxweyne Gaas ayaa ku dhawaaqay in Puntland ay heshiisyo caalami ah oo ku saabsan kheyraadkeeda la geli karto dowladdo shisheeye iyo shirkado, isagoo soo daliishaday qodobka 54-aad ee Dastuurka Puntland.

Waxa uu daboolka ka qaadey in awoodda dalka Soomaaliya oo dhan aysan ahayn mid ku aruursan magaalada Muqdisho, waxaana uu yiri: "Soomaaliya ma ahan Muqdisho...Muqdishana ma ahan Soomaaliya."

Gaas ayaa ku bogaadiyay dowladda Imaaraadka kaalinteeda Soomaaliya, oo ka taageertay dhinac walba intii uu burburka ku jiray wadanka, isagoo carabka ku dhuftay in Imaaraadka uu yahay dalka ugu weyn ee maalgashiga ku sameeyay Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Gaas ayaa tilmaamay in Imaaraadka maalgashigiisa muhiim u yahay dalka Soomaaliya, maadaama shaqooyin u abuurayo kumanaan muwaadiniin ah.

"Dhawaan DP World waxay heshiis la gashay Puntland, waa maalgashigii ugu weyn ee deegaanada Puntland tan iyo burburkii dowladdnimo 1991, maalgashigan wuxuu muhiim u yahay horumarka dalka, maadaama u shaqooyin u abuurayo dhalinyarada shaqa la'aanta ah," ayuu yiri Madaxweynaha.

Puntland ayuu ku tilmaamay inay ku fadhiso meel kamid ah saddex meelood dhulka Soomaaliya, islamarkaana ay tahay maamul xasilooni kajirto, oo la aas-aasay 1998, kahor dowladda Soomaaliya 2014-kii.

Imaaraadka ayuu sheegay inuu yahay saaxibka ugu weyn ee Soomaaliya dhanka amaanka, sidoo kalena uu ka gacan siiyay la dagaalanka Argagaxisada, Burcad-badeeda, Tahriibka iyo dib u dhiska Ciidamada qaranka.

Madaxweyne Gaas ayaa ku dheeraaday ka-hadalka Federaalka, isagoo sheegay in Soomaaliya gashay bur-bur 1991, sababtoo ah nimaadkii kaligii-taliska, iyadoo wixii markaasi ka dambeeyay ay yeelatay maamullo ku dhisan nimaadka Federaalka.

"Soomaaliya waa dal Federaal ah, ujeedka loo aas-aasay nidaamka Federaalka Soomaaliya, wuxuu ahaa in la sameeyay dowlado heer Federaal ah oo qaar gaari karo go'aanada qaar, halka dowladda dhexe mas'uul ka tahay ilaalinta midnimada Qaranka," ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Mudane Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in Nimaadka Federaalka uu xaqiijinayo in dowladda dhexe aysan laheyn awoodo kaligii-talis ah, islamarkaana masiirka qaranka uu yahay mid la wadaago sidoo kalena arrimaha diyaasadda laga wada tashanayo.

HOOS KA DAAWO SHIRKA JARAA'ID:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM