Gaas oo shacabka Burtinle kala hadlay bixinta Canshuurta [Dhagayso]

Image

27 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta la hadlay shacabka magalada Burtinle gobolka Nugal xilli uu ku sii jeeday degmada Galkacyo.

Madaxweynaha ayaa shacabka degmadaasi ku ammaanay hormarka ay wadaan, waxaana uga mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay.

"Maamul cusub baa doorateen, waxaan rajaynayaa waagaa cusub, maamulka cusub, nidaamkaa cusub iyo Burtinle cusub, oo Burtinladii hore aan ahayn, inay isla jaanqaadaan ayaan doonaynaa, waxaa laga guurayaa Burtinladii hore, Burtinladii hore waxay ahayd Burtinle aan canshuurta bixin, Burtinle 450 xirmood leh oo xoolihii meel ay daaqaan waayeen, Burtinle aan jid lahayn, waxaan u gudbaynaa Burtinle cusub" Ayuu yiri Madaxweyne Gaas

Gaas ayaa ku dheeraaday muhiimadda leedahay in la bixiyo Canshuurta, wuxuuna xusay shacabku inay la yimaadaan isbadal  buuxa,taasina imaanayso markii canshuurta sidii la rabay loo bixiyo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xukuumadiisu diyaar u tahay qaabkii loo taageeri lahaa maamulka cusub ee dhawaan degmadu yeelatay, isagoo sheegay inay muhiim tahay qaabkii loo wadatashan lahaa.

Khudbadda uu shacabka Burtinle u jeediyay ayaa inteeda badan wuxuu diiradda ku saaray Canshuurta, faa'iidadeeda iyo qaabkii loo bixin lahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM