Gaas oo shacabka Puntland ku eedeeyay fashilka Nidaamka Dimuqraadiyadda [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka qaybgalay kulan ay soo qabanqaabisay hay’adda Diakonia oo kaashanaysa wasaaradda Dastuurka taasoo looga hadlayay hannaanka Geedi socodka Dimuqraadiyadda Puntland.

Shirweyne labo maalin ahaa oo loogu talo galay in lagu wacyi galiyo dadweyne isaga kala yimid 6 degmo, Aqoonyahano iyo hay’adaha daneeya Barnaamijkan, ayaa waxaa khudbad ka jeediyay furitaankiisii Madaxweyne Gaas.

Gaas ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray hannaankan, faa’iidooyinkiisa, caqabadihii ka horyimid iyo qorshaha Dowladda Federaalka ay ka leedahay Doorashada 2020 ee la sheegay in lagu salayn doono qof iyo cod.

“Dimuquraadiyaddu sideedaba sahal kuma timaado, wadammada hadda sheegta dimuquraadiyadda waad garan kartaan wakhtiga ay ku qaadatay in ay dimuquraadiyadda dhab ah dalkooda ka sameeyaan, wadammada ugu horeeya waa Maraykanka isna wuxuu dumarka inay codeeyaan u ogolaaday 1920, iyagoo weligood ay ka jirtey dowladdnimo, doorasho, iyo dimuquraadiyadda,” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in dowladdiisu bixisay dedaalkii laga rabay, balse shacabka Puntland ka gaabiyeen hirgalintiisa, taasina ay tahay sababta 2019 ay uga dhici weyday doorasho qof iyo cod ah.

“TPEC waxaa magacaabay February 2016, dadka waxaan ku uri ururo siyaasadeed furta, xisbiyana samaysta, haddii dadku samaysan waayaan Eedda ma anigaa iska leh, waxaa la yiri faraska darka waa keeni kartaa laakiin inuu cabo kuma khasbi kartid, ma cidbaanu ka hor istaagnay inay urur furtaan, ha sheegaan, guddigii waanu samaynay, waau wacdinayay, war furta, war yeela waa dhici wayday,” Sidaas waxaa yiri Madaxweyn Gaas.

Dedaalka beesha caalamka iyo dowladda Federaalka ee hirgalinta doorasho qof iyo cod ah oo dhacda 2020 ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna sheegay inaysan ahayn wax dhici kara, balse ay tahay juhdi lagu luminayo meelo aan amni ahayn kana baxsan gacanta dowladda, isagoo taas badalkeeda tilmaamay in Puntland tahay goobta kaliya ee qorshahaas ka fuli karo.

“Hadda dowladda federaaku waxay tiri waxaan samaynaynaa doorasho hal qof iyo hal cod ah 2020, aniga kolay ilama ah Rajadayda in doorasho dadweyne ka dhacdo, ilaa dalka la xoreeyo oo la xasiliyo, Al Shabaab laga saaro oo ummadu isqabsatoo, wax badan baa ka horeeya, Laakiin hadii meel doorasho ka dhici karto waa in ay noqotaa Puntland.” Ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne Gaas.

Shirkan wuxuu ka muujiyay rajo wanaagsan isagoo sii raaciyay in doorasho qof iyo cod ay dhici doonto 2024.

Madaxweyne Gaas ayaa xilka la wareegay 2014 iyadoo dhammaan ay dhanyihiin shuruucdii ay ku shaqayn lahaayeen Guddiga Doorashada, balse loo baahnaa oo kaliya in muddo sannad gudaheed la magacaabo TPEC, shacabkana loogu yeero inay xisbiyo furtaan lana sameeyo doorashada golayaasha deegaanka, maadaama xukuumaddii hore ay isku dayday inay samayso doorasho qof iyo cod ah islamarkaana sanaadiiq gaysay gobollada Puntland inkastoo ay hor istaageen siyaasiyiin uu kamid ahaa Madaxweyne Gaas kuwaasoo raadinayay inay xukunka ku qabtaan habka beelaha.

Hay’adda Inter-peace oo lasoo marinayay Lacagtii lagu hirgalinayay barnaamijkan ayaa muddo labo sano ah ka war sugaysay xukuumadda Madaxweyne Gaas inuu magacaabo Guddiga TPEC, waxayna markii dambe xirtay xafiiskeedii iyadoo howlaheedii u wareejisay Somaliland oo markaas doorashadu diyaar ka ahayd.

Madaxweyne Gaas iyo xukuumaddiisa ma aysan furan Xisbi mana kharash garayn guddiga doorashooyinka ee TPEC, tallaabooyinkaas oo u horseedi lahaa in shacabka Puntland ka qaybgalaan Barnaamijka Geedi Socodka Dimuqraadiyadda.

Barlamanka Puntland ayaa dhawaan inta uusan xirmin kalfadhigiisii wuxuu soo saaray Lifaaq u gogol xaaraya in Puntland laga qabto doorashooyin ku dhisan habka qabiilka 20 sano kadib jiritaankeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM