​Gaas oo shaqadii u fasaxay Taliyihii Booliiska Puntland

Image

BOOSAASO, Puntland- Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa shaqadii loogu fasaxay Taliyaha Ciidamada Booliiska Cabdulqaadir Shire Faarax (Ereg).

Qoraal kooban oo lagu muujiyay wareegtadaas ayaa lagu sheegay in Ereg uu sii wadan karo shaqadiisa kadib ku dhawaad 40 cisho oo uusan Shaqayn.

"Waxaa Dhammaan Hay'adaha ay warqadani tooska iyo ogeysiinta ya ugu socoto lagu wargelinaya in Shaqadii loo fasaxay Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowladda Puntland Cabdulqaadir Shire Faarax (Ereg), maanta oo ay taariikhdu tahay October,7,2017." Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

27 August, 2017 ayaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo markaas ahaa kusii sime Madaxweyne shaqadii ka fariisiyay taliyaha kadib markii ay isku maandhaafeen arrimo la xariiray maxaabiis lagu xiray xabsiga Garoowe.

Lama oga sababta uu Gaas usoo celiyay Ereg oo markii hore si KMG ah booskan ugala wareegay Cabdirasaaq Afgaduud.

Balse tallaabadan ayaa kusoo beegantay xilli Gaas iyo Camey ku kala aragti duwanaadeen shirka Kismayo ee looga hadlayo Khilaafka DFS iyo maamul goboleedyada.

Camey oo hadda ku maqan dalka Zambia ayaa xilli uu ka dhoofayay Magaalada Garoowe ka horyimid kulankaas oo uu tilmaamay inuusan horseed u ahayn maslaxad Soomaaliyeed, halka Gaas iyo xukuumadiisa ay si buuxda u taageereen oo ay waliba sheegeen inay si buuxda uga qaybgalayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM