​Gaas oo su'aalo lagu waydiiyay kalfadhiga Barlamanka Puntland [ DHAGEYSO]

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas, ayaa maanta furay kalfadhiga 38aad ee Barlamanka Puntland, waxaana lagu waydiiyay su'aalo ku saabsan xaaladda waddanku ku jiro iyo arrimo kale.

Gaas, ayaa furitaanka Kalfadhigan, ka jeediyay khudbadiisa dastuuriga ah, oo uga hadlay arrimo kala duwan kuwaasoo ay kamid ahaayeen; Ammaanka, Kaabayaasha dhaqaalaha, Siyaasadda, dhiiri galinta ganacsiga, dimuqraadiyadda, Maaraynta khayraadka badda iyo dhowrista deegaanka.

Madaxweynaha ayaa arrimahaas qodob qodob u dul istaagay, wuxuuna sheegay in xukuumaddiisu waxbadan ka qabatay. HALKAN KA DHAGAYSO

Intaas kadib mudanayaasha Barlamanka Puntland, ayaa madaxweynaha weydiiyay su'aalo kala duwan oo ku saabsanaa, Mushaharka Shaqaalaha, dhulka maqan ee ku jira gacanta Somaliland, safarrada joogtada ah ee madaxweynuhu ku aado dalka dibadiisa gaar ahaan waqtiyada colaadaha, daryeel la'aanta ciidanka dowladda, ku tagri falka hantida dadweynaha, nidaamka dimuqraadiyadda iyo caqabadaha hortaagan, qaabka Puntland ku aqbashay maamulka Galmudug oo dastuurka aan la waafajin, Kharashaadka kasoo galay dowladda Federaalka halka lagu bixiyo iyo su'aalo kale.

Cabdiwali Cali Gaas, ayaa Barlamanka uga jawaabay su'aalahaas in kastoo qaybtood ka gaabsaday inuu madashan uga hadlo islamarkaana Xildhibaanada ka codsaday inay si khaas ah u weydiiyaan si uu xog faah faahsan uga siiyo.

  • Arrinta dhulka Maqan

Madaxweynuhu mar uu ka jawaabay dhulka ka maqan gacanta dowladda gaar ahaan deegaanadii uu ku galay olalaha doorashada, kama uusan bixin faah fahin ku aadan sida loo soo celin waayay iyo qorshaha dowladddu ka leedahay, balse wuxuu taas badalkeeda Xildhibaanada u sheegay inay ku haboonaan lahayd in xilli gooni ah la weydiiyo si uu xog dhammaystirsan uga bixiyo.

  • Mushaharka Shaqaalaha dowladda

Su'aasha ku saabsan sababta xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Gaas u bixin weyday xuquuqda shaqaalaha dowladda, wuxuu xusay in dowladdu ku jirto dagaal joogta ah isagoo golaha ka hor sheegay inay bixiyaan xuquuqda ciidamada dowladda kuwaasoo isugu jira, cunno, cunto qalalan, gunnooyin, mushahar joogto ah, dayactirsa iyo waliba wax kasta oo ciidan u baahdo.

  • Ka maqnaanshaha kalfadhiga golaha Barlamanka

Madaxweyne Gaas, wuxuu sheegay inaysan jirin waqti loo yeeray oo ay ka baaqdeen furitaanka kalfadhi Barlamanku yeeshay, balse wuxuu tilmaamay inuu diyaar u yahay waqti kasta oo ay u baahdaanna u imaan karo.

  • Maxaa isku beega safarka madaxweynaha iyo dagaallo dalka ka dhaca?

Madaxweyne Gaas, wuxuu su'aashaas ku tilmaamay mid u baahan in la weydiiyo dhinacyada dullaanka soo qaada, isagoo yiri, "Anigu inta saadiliyo, waa lasoo duuli doonaaye waddanka ka dhoof ma i raahdo".

  • Daryee la'aanta dhaawacyada dagaalka

Madaxweynaha ayaa sheegay inay caddaymo u hayaan dadkii ay daweeyeen, kharashaadkii ku baxay iyo waddamada loo qaaday, isagoo xusay in xukuumaddisa ka go'antahay inay la daweeyo shakhsiyaadka kusoo dhaawacma dagaallada.

  • Nidaamka dimuqraadiyadda

Madaxweyne Gaas, wuxuu mar kale qiray inuu ahaa shakhsigii loollanka ku galay inuu Puntland gaarsiin doono nidaamka hal qof iyo cod, haddii la waayana macnaheedu tahay in ballanqaadkii xukuumaddiisa aysan waxba ka hirgalin, sidaas darteed wuxuu su'aal qorshahaas laga weydiiyay ku macneeyay in dadaal socdo natiijadana la sugo 2019.

  • Safarrada waqtiga dagaallada

Madaxweyne Gaas, wuxuu sheegay inuusan u xiiso qabin hotel la seexdo iyo diyaarad la raaco, balse uu u baxo arrimo la xiriira difaaca iyo danta Puntland, wuxuuna mas'uuliyad darro ku tilmaamay inuu tago aan muhiim ahayn iyadoo dagaallo socdaan.

  • Kharashka dheeraadka ah ee dowladdu isticmaasho

Madaxweynaha Puntland, ayaa gaashaanka ku dhuftay inuu ka waqbo lacag ka baxsan miisaaniyaddii loogu talo galay ha'adaha dowladda, isagoo beeniyay in madaxtooyadu isticmaashay lacag ka badan 6 Malyan oo doollar, wuxuuna taas badalkeeda xusay inay isticmaalaan kharash dhan 90,000 oo doollar.

Gaas ayaa sidoo kale mar uu ka hadlayay sababta maamullada dalku ku yeesheen qoondo is le'eg ama isku dhow, wuxuu kaga jawaabay inay Puntland bud-dhige u ahayd dhismaha dowladd Federaal ah, wuxuuna madasha ka sheegay in maamul goboleed rasmi ah oo Federaal la oran karo ka jirto Puntland oo qura.

Su'aalahan maanta, ayaa noqday kuwii ugu adkaa ee madaxweyne Gaas la weydiiyo tan iyo intii uu xilka qabta, wuxuuna kusoo aaday xilli saddex bari baaqasho ku jiray kalfadhiga Barlamanka Puntland, taasoo timid kadib markii uu madaxweynuhu ka tagay magaalada Bosaso islamarkaana ka cudur-daartay inuu soo xaadiro Fadhigaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM