Gaas : Safarkii Muqdisho wuxuu kusoo dhamaadey Guul [Dhageyso]

Image

Sept 24,2015 (GO)- Madaxweynaha dowlada Puntland oo galabta dib ugu soo noqdey magaalada Galkacayo ayaa saxaafada warbixin kooban ka siiyey safarkii magaalada Muqdisho isaga iyo watdigiisa kagasoo qayb galeen kulan loogu magacdarey madasha wadatashiga Somaliyeed.

Mudane Gaas ayaa xusey in Muqdishu u tageen isaga iyo wafdi uu hogaaminayey barnaamij looga wada-xaajoonayey mustaqbalka Somalia islamrkaana gudbiyeen mowqifka Puntland ee ku aadan sida loogu gudbi karo doorasho ka dhacda dalka.

"Barnaamijkaasi oo ah Barnaamij runtii muhiim u ah Somalia, geedi socodka nabada Somaliyeed-na saldhig u ah ayaan u tagney aniga iyo wafti labada gole ka tirsan magaalada Muqdishu, waxaa-nuna u aadney madashaasi in aan mowqifka Puntland ee ku aadan mustaqbalka Somalia aanu jeedino, bareerayahaga geyno, goobtaas ay Somali isugu timid, waana gayney, waana la socotaan koley Social media iyo meel walba, Barnaamijkaas waxaa uu ku soo dhamaadey si guul ah, guul Somaliyeed iyo guul Puntland, kabacdina waxaa loo gudbi doonaa wajiyada dambe ee barnaamijkaas yeelan doono." ayuu yiri madaxweynaha Puntland isaga oo la hadlaya saxaafada.

 

Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa inta wareysigaan uu bixinayey aan gabi ahaanba soo hadal qaadin wararka sheegayey in maamulka Puntland kulankii wadashiga ka baxeen inta uu socday. Afhayeanka maadxtooyada Puntland ayaa wareysi uu siiyey Radio Garowe isaga oo ku sugan Muqdisho sheegey in waftiga madaxweyne Gaas isaga baxeen kulankaas islamarkaana warmutiyeedka kasoo baxey madasha watashiga Somaliyeed ahaa mid khaldan Halkan ka dhageyso.

Dhinaca kale madaxweyne Gaas kuma cadeyn hadalka kooban ee uu siiyey saxafaada mowqifka Puntland ee ku aadan warmurtiyeedkii kasoo baxey kulankii Muqdisho ku dhexmarey madaxda dowlada Federaalka, maamulada Somalia iyo beesha caalamka. Halkan ka akhri

Kulanka madasha wadatashiga Somalia ee ka dhacey magaalada Muqdishu ayaa waxaa kasoo baxey warmurtiyeedyo kala duwan kuwaas oo jahawareer ku abuurey shacabka Somalia gaar ahaan kuwa Puntland.  

Wafdiga uu hogaaminayey maadxweynaha Puntland ayaa sidoo kale magaalada Muqdisho kasoo saarey warmurtiyeed ku aadan kulankii Muqdisho lagu qabtey taasoo muujineysay iney diidan yihiin qoraalkii kasoo baxey madasha wadatshiga Somaliyeed uu ee Mudane Gaas xusey inuu guul kusoo dhamaatey . Halkan ka akhri

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM