Gaas " Waxaan shacabka uga digayaa hadallada siyaasiyiinta fashilmay"

Image

Bosaso: Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka dhoofay magalada Bosaso xarunta gobolka Bari isagoo ku wajahan Muqdishu oo kafurmi doono shir looga hadlayo habraaca doorashada Somalia ee 2016.

Gaas oo sagootin loogu sameeyay madaarka Bosaso ayaa ka hadlay safarka uu katago xarunta dalka Somalia, waxaana uu sheegay inay ka qayb galayaan madasha looga hadlayo habraaca doorashada dalka kadhici doonta sannadkan, isagoo xusay inuu goobta latagi doonaan rabitaaka shacabka reer Puntland.

Wuxuu rajo wanaagsan kamuujiyay wadaxaajoodkan soo socday ilaa bishii July ee sannadkii hore, isagoo tilmaamay inay rajaynayaan wax wanaagsan oo umadda Somaliyeed dan u ah kasoo baxaan.

Cabdiwali Maxamed Cali ayaa sidoo kale weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiin dhaliilay qaabka madaxweynuhu uga qayb galayo madasha lagu kala aragti duwanyahay ee looga wada xaajoonayo habka loo raacayo doorashada, wuxuuna tilmaamay in siyaasiinta fashilmay jaahwareerinayaan bulshada.

Hadalkan ayuu ku naqdinayaa siyaasiyiin warbaahinta gudaha ka sheegay in Madaxweyne Gaas lagu qanciyay qaadashada nidaamka wax ku qabsiga beelaha islamarkaana uu ogolaaday.

Dhowaan ayey aheyd markii Cali Xaaji oo horey u ahaa wasiirka waxbarashada dowlada Cabdiweli Maxamad Cali Gaas sheegey in heshiis laga gaarey nidaamka 4.5 islamarkaana Puntland aqbashey.

28 bishan ayaa la filayaa in magalada Xamar uu kafurmo shir looga hadlayo habraaca doorashada iyo qaabka lagu soo xuli doono Xildhibaanada imaan doona, waloow la isku afgaran waayay shirkaa dhawaan ka dhacay magalada Kismayo.

Sababta xal looga gaari wayay ayaa salka ku haysa kala aragti duwanaan ka dhex taagan madaxda Somalia oo kala haysta mowqifyada 4.5 iyo degmo.

Dhanka kale maamulka Jubbaland ayaa ku adkaysanaya in xalka kama dambaysta  ah uu ka dhici doono magalada Kismayo islamarkaana weli fidsantahay gogishii ay dhigeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM