Gabadhii Sadexaad oo u dhimatey qaliinka gudniinka fircooniga ah

Image

GALKACAYO - Gabar kale oo da'deedu tahay 10 sano ayaa u dhimatey dhaawac kasoo gaarey qaliinka la yiraahdo gudniinka fircooniga ah ( FGM) sidaas waxaa sheegey Isbitaalka guud ee magaalada Galkacayo.

Mumtaz Qorane ayaa noqotey gabadhii Sadexaad ee u dhimata qaliinka gudniinka fircooniga ah kadib markii Waalidkii dhaley ku sameeyeen falkaan.

Dr. Maxamad Xuseen Aden oo la hadlay Idaacada VOA laanteeda Af-Somaliga ayaa sheegey in qaliinkaan lagu sameeyey  gabadha uu ka dhacey Sadex cisho ka hor baadiyaha degmada Galdogob kadibna uu haleeley Teetane.

Waxaa uu sheegey in koox kalkaaliyaal caafimaad ah loo direy iney Mumtaz u soo qaadaan Isbitaalka guud ee Galkacayo balse loo sheegey iney dhimatey maalintii Isniinta subaxnimadeeda.

Dr.Aden ayaa taleefan ku heley xaalada gabadha xilli uu kala hadlayey VOA labo gabdhood oo hore Aasiya Farax Cabdi Warsame iyo Khadiija Farax Cabdi Warsame kuwaasoo u dhintey isla gudniinka Firconiga ah kadib markii ay dhiig baxeen.

Dhakhaatiirta iyo dadka diidan falkaan ayaa sheegey in labada gabdhood ee walalaha ah ku dhinteen tuulada Bursaalax balse qaliinka gudbniinkaan lagu sameyeey degaanka Galadi ee wadanka itoobiya.

Degaanada ku dhow xuduudka Itoobiya la wadaagto dalka Soomaaliya dadka ku nool waxaa kaliya ay isticmaalaan Isbitaalka guud ee magaalada Galakacayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM