Galkacayo: Askari qabtey mid kamid ah Al shabaab lagu toogtey Bossaso oo la diley

Image

GALKACAYO, Puntland- Magalaada Galkacayo ayaa habeenkii xalay iyo maanta waxaa ka dhacey dilal kala duwan oo loo gaystey sarkaal iyo Askari ka tirsan ciidamada amniga Puntland.

Habeenkii xalay ayaa magalaada Galkacayo waxaa lagu diley nin Askari ah kadib markii koox bistoolad ku hubeysan weerareen. 

Askarigaan ayaa wararku sheegayaan in uu horey u dhaawacey kadib la qabtey mid kamid ah kooxaha Al shabaab oo maalintii shaley lagu toogtey magalaada Bossaso.

Sarkaal ka tirsan ciidamada amniga oo la hadlay GO ayaa sheegey in maalintii 

Dhinaca kale magalaada Galkacayo ayaa saaka waxaa lagu diley taliyihii Kastamka Koonfureed magalaada Galkacayo Cabdirizaq Siciid Cismaan Fiqi.

AHN Fiqi ayaa wararku sheegayaan in sababta loo diley la aqoon iyadoo wararku  sheegayaan in Askari kale diley.

Taliska ciidamada Booliiska gobolka Mudug ayaa ka gaabsadey inuu ka hadlo dilkaan.

Dil kale ayaa jira isaguna magalaada Galkacayo ka dhacey kasoo koox dabley ah la beegsatey nin ganacsade ah iyadoo ay jiraan dhaawacyo soo gaareen dad shacab ah.

Lama oga sababta ninka ganacsadaha loo diley balse warar ayaa sheegey in la xiriirey arimo ka dhaxeeya qabaa'ila halkaas wada daga.

Dilalkaan ayaa imaanaya xilli maalintii shaley magalaada Bosaso lagu toogtey 7 eedeysane oo ka tirsanaa ururka Al shabaab kuwasoo falal dambiyeedyo kala duwan ka gaystey magaalooyinka Galkacayo iyo Bossaso.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM