Gallan "Cabdiwali Gaas inta uu Puntland joogo waxaa ka badan inta uu safro"

Image

GAROWE- Gudoomiyihii hore gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan, oo muddooyinkii damb ku sugnaa qaybo kamid ah gobolkaasi, ayaa ka warbaxiyay sababaha kalifay inuu gadood sameeyo iyo qorshayaal uu xusay inuu ku dhaqaaqi doono.

Gallan oo waraysi gaar ah siinayay Radio Garowe, ayaa tilmaamay in xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali, ku dhaqaaqday tallaabooyin ku tagri fal awoodeed ah, isagoo sheegay inay qaateen dhammaan mas'uuliyadihii la kala lahaa haday ahaan lahayd mid ciidan, dhaqan iyo mid siyaasi, taasina meesha ka saartay cadaaladdii iyo wada lahaanshihii sida uu hadalka u dhigay.

"Xukuumadda uu hogaamiyo Cabdiwali Gaas, iyadaa wax walba isku koobtay haday ahaan lahayd mid dhaqan, haday ahaan lahayd mid ciidan iyo haday ahaan lahayd mid siyaasiyiin, taasi marka waxay keentay inay meesha ka baxdo wax wada lahaanshihii, taasina waa arrinta na dhaxalsiisay inaan ka gilgilano,"Ayuu yiri Gallan.

Cabdisamad, wuxuu sheegay hadii xukuumaddii khaldantay in shacabku aysan ahayn dad arki waaya ee ay yihiin dad tashada oo ka arrinsada wax masiirkoodu yahay, isagoo intaasi raaciyay inaysan gadoodkiisa ku larnayn arrimo siyaasadeed iyo mid ka dhalatay xilka ka qaadistiisa, wuxuuna tilmaamay inuu  ku faraxsanaa xil wareejintiisa.

Wuxuu sheegay in tabashooyinka ka dhanka ah xukuumadda Gaas, ay taagnayd ilaa waqtigii uu ahaa guddoomiyaha gobolka Bari, balse wuxuu tilmaamay inay adagtahay wax ka sheegista maamul uu katirsanyahay sidaasi darteed uu go'aansaday inuu soo bandhigo bilooyin kadib iscasilaadiisii.

"Anigu runtii waan ku faraxsanaa xilka ka qaadistaydii, waad ogaydeen waxaan xilku ku wareejinay madal iyo xaflad ballaaran oo runtii si wanaagsan u dhacday, balse waxaan idiin sheegaynaa in tabashadan xukuumadda madaxweyne Gaas muddo soo taagnady, laakiin isma qaadan karto inaad xaqiiqada ka sheegto maamul aad ka tirsantahay qof kasta ayaa og taas oo siyaasi ah,"Ayuu hadalkiisa raaciyay Gudoomiyihii hore gobolka Bari.

Mar wax laga weydiiyay eedaha la xiriiro inuu taageero ka helo dowladda Federalka Soomaliya islamarkaana qorshaha uu wado yahay mid meelo kale laga soo agaasimay wuxuu ku jawaabay, "Horta waxaa wax laga xumaado ah in la igu tilmaamo calooshiis u shaqayste oo arrinkaasi afkooda kasoo baxo mas'uuliyiin.... Hadii aan tago Muqdishu ma ceebaa, Muqdishu waa caasumad Soomaaliyeed waxaa joogta xukuumaddii dalka ee dadku doortay, marka hadii la igu soo dhaweeyay oo aan la kulmo madaxweynaha iyo Ra'isal wasaaraha maaha in si khadlan loo turjumo".

Wuxuu tusaale usoo qaatay madaxweyne Gaas oo uu sheegay inuu yahay shakhsi safarkiisu ka badanyahay inta uu joogo dalka, wuxuuna tilmaamay inaysan taasi dan ugu jirin shacabka Puntland.

"Madaxweynaha Puntland isaga ayaa iiga safar badan Xamar oo waxaan oron karaan inta uu joogo Puntland waxaa kabadan inta uu safro,"Ayuu hadalkiisa raaciyay Gallan.

Waraysiga oo dheera ayaa Gallan wuxuu ku sheegay inuu sameeyay ciidamo badan oo dhawaan u soo xiray tababar, isagoo tilmaamay in ciidankaasi hadafkiisu yahay sidii  Puntland uga dul qaadi lahaa wuxuu ugu yeeray "Cadaalad Darro",  isagoo wacad ku maray inuu meesha ka saari doono xukuumadda madaxweyne Gaas islamarkaana uu samayn doono "Puntland cusub" oo ay ku midaysanyihiin dhammaan dhinacyadii aas-aasay, taasi uu sabab uga dhigay inaysan maanta wada midaysnayn dadkii bahoobay 1998.

Guddoomiyihii hore gobolka Bari, ayaa muddo ku sugnaa qaybo kamid ah gobolkaasi, wixii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday gurigiisa oo ku yaalla magaalada Bosaso, waxaana xukuumadda Madaxweyne Gaas sheegtay inay maxkamad soo taagi doonto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM