​Gallan "Hubka iyo agabka aan haysanno waxaan ka helnaa xukuumadda Cabdiwali"

Image
Image
Image

BOSASO- Guddoomiyihii hore gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa markii ugu horraysay faah faahin ka bixiyay halka uu ka helo saanadda Military iyo hubka uu ku qalabeeyay ciidamada uu dhawaan tababar usoo xiray kuwaasi oo maanta gaaray nawaaxiga Carmo ee gobolka Bari.

Gallan oo waraysi siiyay Kalsan TV Bosaso, ayaa sheegay inay xukuumadda Puntland ku fashilantay amniga iyo la dagaallanka argagixisada, sidaasi dartee uu isagu isu xilqaamay sidii booskaasi u buuxin lahaa islamarkaana uu dagaal ula gali lahaa argagixisada isku fidinaysay qaybo kamid ah gobolka, wuxuuna sheegay in tallaabadaasi ka dhaxlay faa'iido weyn oo ah in shacabku aaminaan oo ay taageeraan.

Wuxuu tilmaamay in hubka iyo agabka kale ee uu haysto ka helay xukuumadda Puntland, isagoo carrabka ku dhuftay  wasiirro iyo saraakiil ciidan, halka qaybta kale uu sheegay inuu kasoo iibsaday magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Gallan, wuxuu ku celiyay in xukuumaddu aysan ka warqabin dalka islamarkaana aysan ogayn waxa kabaxaya iyo waxa soo galaya.

Xukuumadda madaxweyne Gaas, ayuu ku dhaliilay inay hishiis la gashay argagixisada gaar ahaan Al Shabaab, wuxuu taas ku macneeyay in madaxweyne Gaas qorshihiisu ahaa sidii uu uga nabadgali lahaa dhibaatooyinka ururkaas, balse wuxuu sheegay in hishiiska labada dhinac bur-buray kadib markii ay mallayshiyaad hubaysan kasoo dageen Suuj iyo Garmaal.

Cabdisamada Gallan oo tan iyo markii uu kabaxay degmada Bosaso, si cad u dhaliilayay xukuumadda madaxweyne Gaas, ayaa maanta gaaray aagga laamiga, isagoo sheegay inuu tagi doono magaalada Bosas, balse waxaa socda dadaallo ay waddo dowladda Puntland kaasi oo ka dhan ah Gallan.

Dhinaca kale, waxaa waan waan nabadeed wada shacabka gobolka Bari, siyaasiyiin iyo waxgarad kuwaasi oo doonaya in arrinta lagu idleeyo wadahadal.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca xukuumadda Puntland, taasi oo ku aadan arrinta Cabdisamada Maxamed Gallan.

Tan iyo markii madaxweyne Gaas xafiiska yimi, waxaa soo ifbaxayay gadood ay sameeyeen saraakiil iyo mas'uuliyiin xilal laga qaaday, kuwaasi oo dowladda ku dhaliiyay ku takrifal awoodeed iyo lunsasho hantida dadweynaha.

HALKAN KA DHAGAYSO WARAYSIGA UU BIXIYAY CABDISAMAD MAXAMED GALLAN

GAROWEONLINE

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM