GAROWE: ​Farole oo ka digay in la fara-galiyo siyaasadda Madaxweyne Farmaajo

Puntland

GAROWE, Puntland- Madaxweynihii hore Puntland hadana ah Xildhibaan katirsan Aqalka Sare Barlamanka Somalia, ayaa maanta soo gaaray magaalo Madaxda Puntland ee Garowe kadib safar uu kaga yimid magaalada Muqdishu.

Soo dhaweyn ballaaran ayaa loogu sameeyay garoonka diyaaradaha Canoco iyo gudaha magaalada isagoo la hadlay boqolaal kamid ah taageerayaashiisa kuwaasoo uga mahad-celiyay sida wanaagsan ee ay isugu soo baxeen islamarkaana usoo dhaweeyeen.

Cabdiraxmaan Farole, ayaa hoygiisa caasumadda Garowe saxaafadda uga waramay arrimo ku aadan doorashadii ka dhacday magaalada Muqdishu isagoo xusay inuu isagu ka haray kadib markii farogalin baahsan uga timid dalka iyo dibadda doorashadii dalka ka socotay.

Wuxuu tilmaamay in madaxda Puntland qayb ka ahaayeen arrintaas waliba iyagoo ay la socdaan Guddoonka golaha wakiillada kuwaasoo la saftay murashax gooni ah, balse ay ka raacday fadeexad sida uu hadalka u dhigay.

Farole, ayaa sidoo kale tilmaamay inuu Garowe u yimid si aan cadaadis loogu saarin xukuumadda imaan doonta isagoo cadeeyay inay jiraan shakhsiyaad faraha kula jira dowladda lasoo dhisi doono.

Isagoo arrintaas sii faah faahinaya, wuxuu kadigay in faro galin lagu sameeyo qorshayaasha Madaxweynaha isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay Madaxdii Madasha iyo kuwa maamul goboleedyada ee ku fashilmay siyaasadda Somalia sida uu hadalka u dhigay.

"Waxaan ka digayaa in farogalin lagu sameeyo qorshayaasha Madaxweynaha cusub gaar ahaan xukuumadda uu soo dhisi doono, waxaana madashii fashilantay iyo waxa ay wateen ugu baaqay inuu ninkaas ka ammaan helo oo faraha looga qaado arrimahiisa,"Ayuu yiri mudane Farole.

Xildhibaankan katirsan aqalka Sare ayaa sidoo kale codsaday inaan lagu mashquulin kadib markii maanta magaalada Garowe la isla dhexmarayay arrimo kala duwan oo xitaa kaliftay inaysan xukuumadda uu hogaamiyo Cabdiwali Gaas shakhsi katirsan uusan qayb ka ahayn soo dhaweyntiisa, wuxuuna xusay in ciddii dhibaato wada ay iyadu ku noqonayso.

"Warar waan maq-maqlayay, waxaanse idiin sheegayaa inaan aniga la igu mashquulin, cidna xumaan uma wado xumaanna waligay kama shaqayn wanaag farid ma ahane," Sidaas ayuu kusii daray hadalkiisa.

Mar wax laga weydiiyay in isaga iyo rag kasoo jeeda deegaanada Puntland ee ka qayb galay doorashadii Somalia qorshaynayaan arrimo liddi ku ah xukuumadda hadda jirta ayuu xusay inaysan jirin warkaas oo uusan waxba ka ogayn.

"Warkaas waxba kama jiraan, ciddii sheegtayna waad cid baqdin qabta, waxaase la idin ka rabaa inaad idinku weydiisaan oo la xisaabtamaan Xildhibaanadii doortay," Sidaas waxaa warkiisa ku daray Cabdiraxmaan Farole.

Hadalkiisa ayuu kusoo xiray in dadka reer Garowe ee u muujiyay shucuurta wanaagsan uu abaalkeeda u hayo isagoo alle uga baryay inuu xifdiyo.

GAROWEONLINE