Garowe oo laga ciiday iyo madaxda Puntland oo ka qayb gashay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

October 4, 2014 (GO)- Magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa maanta oo Sabti  ah waxaa looga ciiday si wayn iyadoona mas'uuliyiinta ugu saraysa dowladdu ay dad faro badan kula tukadeen saaladda garoonka kubadda cagta Mira Awaare Jaamac.

Madaxwayne Gaas, ku xigeenkiisa, Afhayeenka Barlamaanka, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf iyo mas'uuliyiin kala duwan ayaa salaadda ciidda ku tukaday garoonka Mira Awaare, iyadoona ka hor salaadda halkaasi khudbado xasaasi ah laga soo jeediyay.

Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka mid ah culimada Puntland ayaa dowladda u sheegay inay mas'uuliyadi ka saaran tahay ilaalinta diinta, nabadgalyada shacabka iyo adeegyadooda asaasiga ah wuxuuna intaas raaciyey inay muhiim tahay qof kasta inuu ka qayb qaato sidii amniga looga shaqayn lahaa wacyi galintana looga qayb gali lahaa.

Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadgalyada, wuxuuna Ilaah uga baryay inuu dhibaatooyinka ku habsaday dalka iyo dadkaba ka dulqaado.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas oo khudbad xasaasi ah dadka u jeediyay ayaa marka hore ciidanka difaaca ku ammaanay guushii ay ka gaareen soo afjaritaanka kooxda Al-Shabab ee Galgala.

Waxa uu cadeeyay inaysan u dulqaadan doonin shacabka Puntland inay dhibaato u gaysato Al-Shabab, Gaas ayaa sheegay inay kahor tagayaan weeraro kasta oo Al-Shabab la damacsan tagay Puntland iyo shacabkeeda.

Gaas waxa uu sheegay haddii fursadda cafiska ah dhalinyarada Shabab u dagaalamaya ka faa'iidaysan waayaan ay tilaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo kooxdaasi u dagaalamaysa.

Marka laga tago dagaalka ay Puntland kusoo afjartay haraagii Al-Shabab shalay oo Jimce ahayd ururka Al-Shabab ayaa guud ahaan isaga baxay degmada Baraawe ee Gobalka Shabeeladda hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM