Garsoorka Puntland oo qaadacay shir Muqdisho lagu qabtay

Image

October 20, 2014 (GO)-Mas'uuliyiinta Hay'adda Garsoorka Dowladda Puntland ayaa ka hor yimi shir Muqdisho lagu qabtay oo looga arrinsanayay xeerka nidaamka garsoorka Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Shir jaraa'id uu maanta ku qabtay magaalada Garowe xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Dr. Maxamuud Xasan Cusmaan ayuu ku sheegay inaysan ka qayb galin shirkaasi islamarkaasna aysan shuqul ku lahayn waxyaabaha kasoo baxay.

Masuulkan ayaa sheegay inay muhiim tahay in lakala saaro shaqooyinka hay'adaha fulinta iyo garsoorka si loo qabto shaqooyinka loo igmaday, wuxuna ku tilmaamay shirka Muqdisho ka dhacay mid aan wax badan samayn doonin.

Wasaradda Dastuurka iyo garsoorka DFS ayaa dhowaan magaalada Muqdisho ku qabatay shir looga hadlayo xeerka nidaamka garsoorka iyo xeerka samaynta  maxkamada Dastuuriga kaasoo markii danbe gudoomiyadda maxkamadda sare Abuukaate Ceydiid C/laahi Ilka Xanaf ka hor yimi kuna tilmaamay in wasarad ka mid ah xukumadda Cabdiwali Shiikh Axmed faraha lasoo gashay shaqadii garsoorka dalka.

Qodobada kasoo baxyay shirkaas ayaa ahaa.

  • In baahi adag loo qabo dib u habeynta xeerka nidaamka Garsoorka dalka iyadoo la waafajinaayo nidaamka Federaalka ee dalka u degsan.
  • In si haboon loo kala saaro awoodaha Maxkamdaha xeerka Federaalka iyo kuwa gobollada.
  • In erey bixin iyo dib u eegis lagu sameeyo garsoorka iyadoo la adeegsanaayo luuqad qaanuuni ah.
  • Waxaan taageeraynaa in la dhiso Maxkamadda Dastuuriga ah sida uu qabo dastuurka dalka isla markaana laga jawaabo baahida loo qabo Maxkamadaaas.
  • Waxaan soo dhoweynaynaa in dib u eegis iyo dib u habeyn lagu sameeyo dhammaan hay’adaha garsoorka ee dalka .
  • Waxaan soo dhoweynayaa dadaalada ay waddo Wasaaradda Garsoorka kuwaas oo lagu hormarinaayo hay’adaha Caddaalada ee dalka.
  • Waxaan soo dhoweynaynaa dhamaan dadkii ka qeyb qaatay soo saaridda qodobada oo uu ugu horeeyo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.
  • Waxaan xukuumadda Soomaaliya ugu baaqaynaa in ay ku dadaasho qodobadan.
  • Waxaan Barlamaanka Soomaaliya ka codsanaynaa in ay ansixiyaan xeerka laga soo saarey shirkan.

Mas'uuliyiinta ugu saraysa Dowladda Federaalka Somalia wali kama hadlin faro galinta wasaradda garsoorka ku hayso shaqadii hay'adda madaxa banaan ee garsoorka, taasoo murankeedu in mudo ah soo jiitamayay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM