GIZ oo ka hadashay musuqmaasuqa lagu eedeeyey hay'adaha jidadka iyo qandaraas bixinta Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Hay'ada GIZ oo wakiil uga ah wadamada midowga Yurub iyo wasaarada hurumarinta dhaqaalaha ee dalka Jarmalka hirgalinta mashruuca dib loogu habeynayo wadadda isku xirta magaaloyinka Garowe Galkacayo ayaa galabta shir jaraa'id ay ku qabatey magaalo madaxda Puntland ee Garowe sheegtey in warbixno saxaafada ka qoreen eedeymaha la xiriira musuq-maasuq lagu sameynayo dhismaha jidkaan aaminsantahay iney tahay muhiim in laga hadlo.

GIZ oo xustey in mashruuca dib u habeynta wadadada isku xirta magaaloyinka Jalam iyo Xarfo si wadajir ah ula hirgalineyso hay'ada jidadka Puntland 'PHA" ayaa warsaxfadeedkaan ku sheegtey in ilaa iyo hadda aysan jirin wax cadeymo ah ee muujinaya in la masuqmaasuqey qaabka qandaraaska loogu soo bandhigey shirkadaha u tartamaya balse si loo xaqiijiyo la xisaabtanka iyo la socoshada howshaan ay isha ku hayn doonto marxaladaha bixinta qandaraaskaan loo marayo. 

Madaxda hay'ada jidadka Puntland iyo hay'ada bixinta qandaraasyada oo maalmhaan dusha looga tuurey eedeymo ku aadan iney ku talaabsadeen musuqmaasuq lagu sameynayo mashruucaan ayaa wararka warsidaha GO soo gaaraya xusayaan in saraakiisha hay'ada GIZ ka codsadeen in dhinacooda ka hadlaan sida wax uga jiraan arimaha loo soo jeediyey. 

Madaxa Mashruuca ee GIZ Mr. Christoph Schmidt oo la waydiiyey sababta keentey in warsaxafadeedkaan la qabto xiligaan ayaa tibaaxey in hay'adaan ka shaqeyso 132 wadan sidaa darteed muhiim tahay in hadii ay yimadaan eedymo la xiriira musuqmaasuq khasab tahay iney ka hadlaan islamarkaana u kuurgalaan hadii wax ka jiraan.

Warsidaha GO oo bogagiisa lagu qoro afafka Somaliga iyo Ingriska lagu soo daabacey warbxintaan diirada saaraysay qaababka loo musuqmaasuqo mashaariicda lagu hurumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha Puntland ayaa waxey kusoo beegantey xilli wafti balaaran ee ka socda hay'ada GIZ ku sugan yihiin magaalada Garowe kuwasoo u kuurgalayey shirkadaha isugu soo harey tartanka qandaraaskaan lagu bixinayo. 

Dhinaca kale Sarkaalka u hadley GIZ ayaa warsaxafdeedkaan ku xusey in hay'adaan howlgalin doonto khabiir dib u eegis ku sameeya (Auditor ) dhamaan qaabkii loo baxshey mashruucaan bilow ilaa dhamaad kaasoo islamarkaana baaraya eedymaha saxaafada soo jeedisay ka hor inta aan la shaacin shirkada ku guuleysata qandaraaskaan. 

Sarkaalkaan ayaa sidoo kale xusey in hay'ada GIZ iyo dowlada Puntland marnaba aysan aqabali doonin talaabooyin la xiriira musuqmaasuqa kuwasoo aan meelna kasoo galin shuruucda ay ku dhaqaan hirgalinta mashaariicda lagu hurumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha.

Shirkadaha isugu soo harey qandaraaska dib loogu habeynayo wadadaan ayaa waxaa waxey yihiin 4 shirkadood kuwasoo 3 kamid ah milkiilayashooda qabiilka la wadaagaan madaxweynaha dowlada Puntland, madaxa hay'ada dhismaha wadooyinka "PHA" iyo ku xigeenka gudoomiyaha hay'adda bixinta qandaraasyada Puntland. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM