Golaha deegaanka Galkacyo oo la dheereeyay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Waxaa maanta magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug lagu dhaariyay Xildhibaanada golaha deegaanka degmadaasi.

Xafladda dhaarinta waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin katirsan xukuumadda iyo maamulka gobolka Mudug.

Dhaar kadib, waxaa mudanayaasha golaha deegaanka Galkacyo loogu baaqay inay u istaagaan sidii hormarka bulshada uga qayb qaadan lahaayeen islamarkaana ka run sheegaan kitaabka ay ku dhaarteen.

Guddiga dhismaha golaha deegaanka degmada Galkacyo ayaa ugu baaqay murashaxiinta inay si dhaqso ah usoo gudbiyaan araajidooda.

Wasiirka wasaaradda Howlaha Guud Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa xusay in qorshahoodu yahay sidii isbadal loogu samayn lahaa magaalada Galkacyo, isagoo ugu baaqay Xildhibaanada in murashax kasta liiskiisa usoo gudbiyaan guddiga dhismaha.

Wuxuu sheegay inay uga fadhiyaan golahan inay gacanta ku qabtaan amniga magaalada Galkacyo, isagoo tilmaamay in sabtida socota howshan soo afmeeri doonaan.

Dhaarinta golahan ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan la shaaciyay liiskooda oo ka kooban 31 mudane. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM