Guddi loo saarey xaaladda ka dhalatay duufaanta GATI ee Puntland

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa UNOCHA ee Puntland Thomas Nyambane iyo Wefti uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay Arrimaha bini'aadantinimo oo ay ugu horeyso xaaladda ka dhalatay duufaantii ku dhufatay xeebaha Puntland iyo sidii ay UNOCHA iyo hay'adaha kale ula shaqayn lahaayeen guddigii loo magacaabay arrimahaasi.

Dhanka kale, Karaash ayaa magacaabay guddi ka kooban 12 xubnood kuwaasoo ka shaqeynaya sidii gurmad deg-deg ah loo gaarsiin lahaa shacabka ay waxyeeladda kasoo gaartey duufaanta Gati.

Guddiga oo ka kooban 11xubnood, waxay kala yihiin:-

1- Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka, Wasaaradda Arimaha Gudaha, Faderaalka iyo Dimuqraadiyeynta ( Guddoomiye).

2- Axmed Maxamed Yuusuf Taaraan, Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha. (Xubin).

3- Eng, Maxamuud Xaaji Saalax, Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda (Xubin).

4- Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah (Xubin).

5- Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha, Dhaqanka iyo Dalxiiska (Xubin).

6-Dr, Jaamac Faarax Xasan, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka (Xubin).

7- Axmed Bashiir Muuse, Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta (Xubin).

8- Siciid Cismaan Aadan, Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha (Xubin).

9- Cabdirashiid Cali Geelle, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada (Xubin).

10-Cumar Xasan Fiqi Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda (xubin).

11- Maxamed Cabdirashiid Cali Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada (Xubin).

12- Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed, Maareeyaha Guud ee Hay'ada HADMA (Xoghayn).

Inta illaa haatan la xaqiijiyey, shan kalluumeysato Yeminiyiin ah ayaa ku naf-weysay roobabka dabaylaha watay, halka ay ku burbureen hanti kale oo isugu jirta guryo shacab iyo agab kale oo kalluumeysato adeegsato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM