Guddi loo xilsaarey khilaafkii saraakiisha amniga Puntland oo warbixin gudbiyey

Image

BOSSASO, Puntland- Guddi ka kooban wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan Booliska kuwasoo loo xilsaarey iney baaris ku sameeyaan sababtii keentey gacan ka hadalkii dhaawacey Wasiirka amniga Puntland ayaa maalintii shaley 13 May, 2016 go'aankooda u gudbiyey Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo ku sugan magaalada Bossaso.

Wararka ku xeeran qaabka baarista u sameeyeen guddigaan ayaa sheegaya in balaariyeen oo gaarsiiyeen dhamaan xarumaha Booliiska Puntland gaar ahaan xarunta magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Ma jiraan xogg rasmi ah ee laga hayo go'aanka guddigaan balse wararka laga helayo xubno ku dhow ayaa sheegaya in gunaanadka warbixintooda aheyd in Taliyaha ciidamada Birmadka iyo Taliyaha Booliska Puntland xilka laga qaado.

Guddigaan ayaa sidoo kale soo jeediyey  Booliska Puntland u baahan yahay in isbadal dhab ah u baahan yahay in lagu sameeyo sidaas darteed lagama marmaan tahay in xilka laga qaado labadaan sarkaal  madaama khilaafkooda saameyn ku yeeshay dhinacyada kale ee hay'adaha aminga Puntland.

Baaritaanka guddigaan ku sameynayey sababtii dhalisay gacan ka hadalkii ka dhacey xarunta Birmadka Bosaso ayaa waxaa siyaabo kala duwan u fasirey saraakiisha Booliska iyo guud ahaan shacabka Puntland.

''Guddigaan waxay faraha la galeen arrimo kale oo aan khuseyn gacan ka hadalkii ka dhacey magaalada Bossaso, baaristoodana waxaa ay u muuqatey mid siyaasadeysan taasoo wadada u xaareysay in xil ka qaadis lagu sameeyo Taliye Afguduud, waxaana xubin ka ah Xildhiban Cabdicasiis Baduugaaye oo lagu xamanayo inuu musharax u yahay xilkaan", sidaas waxaa Garowe Online u sheegey sarkaal ka tirsan Booliska Puntland oo siyaasad ahaan aad ugu dhow Taliyaha Booliska "Afgaduud" oo diidey magaciisa in aan xusno.

Xubnahaan ayaa Madaxweyne Gaas u gudbiyey qodobo ay ku soo koobeen warbixintooda kuwasoo kala ahaa: In dhibkii ka dhacey xerada ciidamada Birmadka Bosssaso mas'uuliyadeeda dusha u ridato dowlada Puntland, In dib u habeyn lagu sameeyo Booliska Puntland, In xilka laga qaado labada sarkaal ee gacan ka hadalku dhexmarey iyo In Taliye KMG ah deg deg loo magacaabo.

Madaxweynaha Puntland oo dhageystay warbixintaan ayaa weli go'aan ka gaarin talaabadii uu ka qaadi lahaa xubnaha saraakiishaan oo gacan ka hadal dhexmarey sarkaal ka tirsan Booliska ku dhintey halka uu ku dhawaacmeen Wasiirka Amniga iyo 5 Askari oo kale. 

Taliyaha ciidamada Birmadka oo isaga gacan ka hadalkaan bilaabey ayaa wararku sheegayaan inuu xabsi dowlo ahaan ugu sugan yahay xarunta madaxtooyada Bossaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM