​Guddiga doorashooyinka Puntland oo ka horyimid go'aankii Guddiga khilaafaadka [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Qoraal kasoo baxay guddiga doorashooyinka dadban ee heer Puntland, ayaa lagu naqdiyay tallaabada Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka Somalia (GHKH) kusoo celiyeen 11 xubnood oo labo kamid ah kasoo jeedaan dhinaca Puntland.

Guddiga doorashada Puntland, ayaa go'aankaas ku tilmaamay mid lagu carqaladaynayo doorashooyinka waddanka ka dhacaya islamarkaana lagu nusqaaminayo sharafta Puntland iyagoo xusay in doorashadii dhacday 100% loo maray si waafaqsan shuruucdii loo dajiyay.

Waxuu Guddigu beeniyay inay jiraan xubno la isku haysto islamarkaana khilaaf ka jiro, waxayna guddiga Xallinta Khilaafaadka Somalia ku eedeeyeen inay jabiyeen qodob kamid ah shuruucdii loo dajiyay in lagu shaqeeyo.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee heer Puntland, Nabadoon Khaliif aw-Cali, ayaa Radio Garowe u sheegay inaysan ku qanacsanayn tallaabada lagusoo celiyay xubnaha lagasoo xulay deegaanada Puntland isagoo intaas raaciyay in qorshahan laga leeyahay dano siyaasadeed.

Nabadoon Khaliif ayaa GXKH, ku eedeeyay inay suuq madow wax ku xalliyeen, isagoo xusay in qodobka 14aad ee xeerka hagaya uu dhigayo in la is horfariisiyo dhinacyada kala dacwoonaya iyadoo la isugu keenayo madal ay ku suganyihiin kor joogto eegta arrimaha socda, balse taasi aysan dhicin.

Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Guddiga Khilaafaadka inay tallaabadan oo kale sameeyeen waqtigii ay bilaabayeen doorashada gaar ahaan 01 November, 2016.

Guddiga doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sidaan oo kale uga horyimid go'aanka guddiga khilaafaadka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM