Guddiyada Joogtada ah ee Barlamanka Puntland oo warbixino akhriyey [DHAGEYSO]

Image

GAROWE, Puntland - Guddiyda Barlamaanka Puntland ayaa maanta bilaabay soo gudbinta warbixino ku aadan arrimaha ay kala qaabilsan yihiin waxaana maanta soo gudbiyey waxybaaha u qabsoomay caqabadaha haysta iyo talo soo jeedin guddiyada siyaasadda Qorshaynta arrimaha Federaalka iyo Jinsiydaha iyo guddiga Hawlaha guud gadiidka ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar (Surcad) oo gudoomiye ku xigeenka guddiga qaabilsan Siyaasadda iyo Qorshaynta ayaa warbixinta u soo jeediyey wuxuu kaga hadlay caqabado badan oo ka haysta hay,adaha xukuumada gaar ahaan kuwo soo hoos galaya hawlaha guddigoodu u xilsaaran yahay.

Madaxtooyada ,wasaaradaha Dastuurka iyo Qorshaynta ayuu sheegay in wadashaqayntoodu ay xuntahay wuxuuna soo hadal qaaday in intooda badan ay dhega adgeen dalbyo ay u direen isagoo ugu danbayn guddoonka Barlamaanka u soo jeediyey talo ku aadan inay go,aan ka garaan .

"Arrimha Jinsiyadaha waxaa gacanta ku haya madaxtooyada Puntland nasiib darro wax wada shaqayna kalama dhexeeyo guddiga waana jirta mar mar aan la xiriirnay oo waraaqo aan u dirnay isla markaana an ka dalbanay inay nala kulmaan mana qabsoomin sidaas darteeg wax xiriira lama lihin madaxtooyada Puntland Gudoonka Barlamaankana waan u soo gudbinay waxna lagama qaban" ayuu yiri xildhibaan Surcad.

Wuxuu intaasi uu ku daray in shirka Madaxweynaha Puntland iyo waftiga la socda ay Muqdisho u joogaan aysan waxba kala socon guddigan barlamaanka u qaabilsan arrimha siyaasadda iyo qorshaynta.

Dhan kele Xildhibaan Surcad ayaa cadeeyey in wax wada shaqayna uusan guddigooda xilligan la lahayn wasaaradaha Dastuurka iyo arrimaha Federaalka iyo wasaaradda Qorshaynta Puntland oo sheegay in shirarka iyo arrimaha ay qabtaan aysan guddigu waxba kala socon.

HALKAAN KA DHAGEYSO 

Ugu danbayn guddigan ayaa warbxintooda ku soo koobay talo soo jeedin ku saabsan in golaha  barlamaanku uu arrimahan wax ka qabto uuna xil iska saaro kala astaynta shaqooyinka guddiyada barlamaanka Puntland,

Guddiga labaad ee maanta warbxinta soo jeediyey ayaa ahaa guddiga qaabilsan hawlaha guud guryeynta iyo ganacsiga oo uu gudoomiye u yahay Xildhibaan Maxamuud Faarax warsame waxayna soo jeediyeen warbixno ku saabsan arrimaha ka qabsoomay kaabayaasha dhaqaalaha iyo arrimo kele. may sheegin caqabadoka haysta wada shaqaynta hay'adaha fulinta ee dowladda Puntland.

Guddiyada Barlamaanka Puntland oo toban ka kooban ayaa sideeda harsan warbxinnadooda waxay jeedin doonaan maalmaha soo socda.

Dhinaca kale Barlamanka Puntland ayaa soo gudbiyey qodobada horyaala Kalfadhiga 39aad kuwaasoo nuqul kamid ah warsidaha Garowe Online heley.

Barlamanka Puntland oo ku dhisan nidaamka beelaha ayaa looga baran la xisaabtanka intii dhidibada loo taagey.

Halkaan ka akhri Ajandaha Barlamanka Horyaala


GAROWEONLINE 

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM