Gudoomiyaha cusub degmada Burtinle oo xilka la wareegay

Image

10 Ocotobar, 2015(GO)-Maamulka cusub ee degmada Burtinle ayaa xilka si rasmi ah ula wareegay ka dib munaasabada lagu qabtay xarunta dowladda hoose ee degmadaasi.

Duqa cusub ee dhawaan doorteen golaha deegaanka Burtinle ayaa kala wareegay Gudoomiyihii sida KMG ah xilka u hayay saddexdii bilood ee la soo dhaafay, waxaana goob joog ka ahaa xilwareejinta Xildhibaano, maamulka gobolka Nugal, odoyaasha dhaqanka iyo xubno ka socday bulshada.

Khadar Cabdirasaaq, Gudoomiyihii KMG ahaa ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay doorashadii dhawaan dhacday, waxaana uu tilmaamay inuu la shaqayn doono maamulka cusub.

Gudoomiyaha cusub degmada Burtinle Maxamed Maxamuud Buurdibi ayaa xusay inuu ka dhabayn doono balan qaadkii uu ku galay doorashada, waxaana uu carrabka ku dhuftay inuu degmada hormar gaarsiin doono.

Xubno ka tirsan Barlamanka Puntland, Gudoomiyaha gobolka Nugal iyo waxgarad ka hadlay xilwareejinta ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin isbadalka ka dhacay Burtinle, waxayna xuseen in maamulka cusub ka sugayaan waxqabad.

Buurdibi ayaa dhawaan ku guulaystay doorashada ka dhacday degmada Burtinle ee gobolka Nugal, waxaana degmadu ka mid noqotay kuwa ka faa'iidaysan doona mashruuca hormarinta degmooyinka ee JPLG.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM