Gudoomiyihii hore Barlamanka Puntland oo eedeeyay Xildhibaan Saadiq [Dhagayso]

Image

31 Octobar, 2015(GO)-Gudoomiyihii hore Barlamanka Puntland ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira xilka ka qaadistiisa iyo cidda ku lugu lahayd mooshinka laga keenay.

Siciid Xasan Shire, oo waraysi gaar ah siiyay Idaacad fadhigeedu yahay Muqdisho ee Goob Joog ayaa shaaciyay in xilka ka qaadistiisa iska kaashadeen dowladda Federaalka iyo xukuumadda Puntland, maadama sida uu xusay is khilaafsanayeen siyaasadiisa iyo tan madaxda Puntland uuna ka soo horjeeday arrimo badan oo la xiriira DFS.

Arrintaasi iyadoo lagu duulayo ayuu sheegay Siciid Xasan Shire in lagu bixiyay lacag uusan carrab-baabin cidda bixisay, balse uu xusay inuu soo qaaday isla markaana qaybiyay Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo ka mid ah mudanayaasha Barlamanka Puntland.

Shire ayaa waraysiga ku xusay in Saadiq muddo ku haystay xilkiisa, kana mid ahaa rag si sharci daro ah u raacay safaro uu galay Madaxweyne Gaas isagoo aan ka amar qaaadan golaha Baralamanka.

Waxaa uu sheegay in muddo 17 sano ah qaab aan sharci ahayn uga tirsanaa Mudanayaasha Barlamanka, wuxuuna ku tilmaamay inuu ahaa shakhsi isaga u arkayay mid qaatay awoodii madaxweyne ku xigeenka Puntland, balse aysan xaqiiqo ahayn.

Mooshinka ku saxiixnaayeen in ka badan 40 mudane ee xilka looga qaaday, ayuu ku tilmaamay Siciid Xasan inaan la marsiin sida uu qabo Dastuurka iyo xeer hoosaadka Barlamanka Puntland, waxaana arrintaasi lagu bixiyaan lacag boqolaal kun ah.

Gudoomiyihii hore ee Barlamanka Puntland, oo aaminsan in la inqilaabay ayaa iska fogeeyay dhammaan eedaha laga gudbiyay, waxuuna sheegay in madaxda Puntland iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada soo dhaweeyay in meesha laga saaro.

Waraysiga Shire oo dheeraa ayaa sidoo kale, waxaa uu ka digay in Xildhibaanadu qaadi karaan tallaabooyin la mid ah midda isaga lagu sameeyay, maadama sida uu xusay noqdeen aalad la adeegsanayo lacagna la siinayo si ay u fududeeyaan danaha laga doonayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM