Heritage oo shirkeedii ku qabsatey Garowe, wareysi Caynte

Image
Image
Image
Image
Image
Image

Khamiis, Sept 18, 2014 [GO]- Kadib markii dowlada Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas u fasaxey hay'adda cilmi baarista Heritage in shacabka Puntland wax ka waydiiso qaabka nidaamka Federaalka ee dalka Somalia lagu dhaqayo ayaa saaka abaarihii 11:00 subaxnimo waxaa ka furmey Hotel ku yaala bartamaha magaalada Garowe kulan dad gaaraya boqol qof kasoo qayb galeen.

Casumaadaha dadka la siiyey oo ku yimid qaab xulasho ah ayaa dhinaca kale waxaan gabi ahaanba goobta shirkaan lagu qabtey aan imaan wakiilo ka tirsan xukuumada Madaxweyne Gaas, sida warsidaha Garowe Online u sheegey wariye kaga sugnaa goobta.

Dadka laga casumey kulankaan ayaa isugu jirey ganacsato, culumaa'udiin, xubno ka sacotey hay'adaha aan dowliga aheyn iyo dadka ka tirsan ururada bulshada kuwaasoo sida wararku aan ku helyno intooda badan dood kulul soo jeediyey.

Su'aalahaan oo ku wajahnaa inta badan madaxda hay'adaan ayaa waxaa kamid ahaa, sababta keentey in shirkaan lagu qabto Garowe iyadoo shaki la galinayo qaabka Federaalka Somalia madaama la ogyahay in shacabka Puntland horey u qaatey nidaamkaan 16 sano ka hor.

Dhinaca kale waxaa la waydiiyey Heritage waxaa laga aaminsayahay iney tahay hay'ad ilaalisa danaha dad gaara ama bulsho gaar ah islamarkaana diidan in nidaamka Federaalka lagu dhaqo Somalia iyo su'aalo kale.

Madaxda ururkaan ayaa inta badan iska fogeyneysay in dooda cilmi baaristaan tahay mid salka ku haysa mid lagu diidan yahay in nidaamka Federaalka Somalia ka hirgalo balse diirada saareyso qaabka Federaalka ee loo baahan yahay in lagu dhaqo dalka.

Madaxweynaha dowlada Federaalka ee Somalia ayaa tan iyo inta uu qabtey xilka waxaa uu dood galinayey nidaamka Federaalka Somalia ku dhaqanto taasoo ku cad Dastuurka isagoo dhinaca kale carabka ku adkeeya in shacabka Somalia loo baahanyahay iney doortaan qaabka nidaamka Federaalka ee la dhaqmi karo.

Cabdi Caynte oo madax u ah hay'adaan ayaa saaka soo gaarey magaalada Garowe kadib markii uu ka soo duuley Muqdisho inta uusan kulankaan furmin.

Warbaahinta Radio Garowe/Garowe online oo la hadashey Cabdi Caynte ayaa wax ka waydiisay kulankaan ujeedooyinkiisa, cida u fasaxdey hay'dada cilmi baarista iney ku qabsato Garowe iyo aragtida dadweynaha ka aaminsan yihiin Heritage, waxaa uu ka qabo warisigana sidaan ayuu u dhacey. Halkan ka dhageyso

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM