Hooyada dhashay Caasha: Ma jirto wax Aano ah, waa qadar ALLE

Image

GALKACYO, Puntland - Seynab Cabdiwahaab, hooyada dhashay Caasha Ilyaas Aadan, gabadhii la fara-xumeeyay kadibna lagu dilay Galkacyo Axadii, ayaa ka hadashay dhacada gil-gishay quluubta shacabka Soomaaliyeed ee lagula kacay Inanteedii yareyd.

Meydka Caasha oo tan iyo markii la helay yaallay Isbitaalka ayaa la aasey gelinkii hore ee Talaaladda maanta ah.

Hooyo Seynab oo u warantay Dabraani Media ayaa muujisay sida ay uga naxday falka foosha ee loo geystay gabadheeda, inkasta oo ay sheegtay in ay ku qanac-san tahay qaddarta ALLE ee qabsatay.

"Waxaanu waynay 2-dii subaxnimo ee Axadii…markaasoo aan Suuqa uga diray Hilib," ayey yiri Mama Seynab, taasi oo baadi-goob u gashay helitaanka Gabadheeda tan iyo markii la waayay.

Caasha oo la weysanaa mudo 24 saac Ka badan ayaa meydkeeda waxaa laga helay aroortii hore ee Isniinta meel ku dhow hoygooda oo ku yaalla xerada Siinay ee bariga xarun goboleedka Mudug, qaybta ay maamusho Puntland.

Sawirro iyo muuqaal laga soo qaadey meydka kuwaasoo baraha bulshada lagu faafiyey ayaa muujiyey in Caasha si wuxuushnimo ah loo jirdilay lana kufsaday kahor inta aanan nolasha la dhaafin.

"Aniga ma aanan fiirin meydka..laakiin waxaa la ii sheegay in la isku gooyey, malaha rag badan baa isugu tegay oo kufsaday," ayey Hooyo Seynab hadalkeeda raacisay, iyada oo u muuqato in ay ka xun tahay wixii dhacay.

Kiisaska noocaan ah ee ka dhaca degaanada ay degto Soomaalida waxaa la sheegaa in qaarkood ay salka ku hayaan aanooyin, hasayeeshee midka Caasha sidaasi waa uu ka duwan yahay, sida ay ka dhawaajisay Hooyadeed.

"Ma jirto wax aano ah oo dariska ah…mana jirin cid ay iyadu la dagaashaneyd…waa qaddar ALLE un," ayey daba dhigtay Seynab hadalkeeda.

Caasha oo ahayd 12-sano jir ayaa dhiganeysay fasalka 6aad ee Dugsiga dhexe, waxaana asxaabteeda ay sheegeen in ay ku wanaagsaneyd – Qur’aanka iyo culuumta kale ee maadiga ah.

– Cambaareyn wadajir ah –

Dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha haweenka ayaa si adag u cambaareeyay falkaan, iyaga oo dalbaday in ciqaab adag la marsiiyo cid kasta oo ku lug-yeelata dhacdadan.

Madaxwaynaha dowlada Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo dhankiisa si adag u dhaleeceeyay falkaan, ayaa balanqaaday in ciqaab la marsiin doono raggii ku kacay arintan.

Mudaaharaadyo looga dhiidhinayo waxa ku dhacay Caasha ayaa laga soo wariyay magaalooyin ay kamid yihiin Gaalkacyo, Garowe iyo Guriceel, waxaana banaan-baxayaashu ay ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah kufsiga dumarka.

"Kiiskaan waa in uu ka duwanaadaan kuwii hore ee qaab beeleedka lagu xalin jiray," ayey baaqeen. "Waxaan sidaasi u leenahay sababta oo ah waxaan waayo u arag u nahay kiisas sidaasi lagu dhameeyay".

– Amar kasoo baxay maxkamada –

Maxkamada Darajadda 1aad ee magaalada Galkacyo ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo mid kamid ah ragga la tuhunsan yahay in uu wax ka abaabulay kufsiga iyo dilka, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Yaasir Aadan Cali.

Yaasir ayaa la sheegay in uu ahaa wadihii gaariga Caasha meydkeeda lagu soo dhigay nawaaxiga hoygooda, kaasi oo haatan ay ku raad-joogaan laamaha amaanka, iyada oo ay intaasi dheer-tahay in la qabtay shaqsiyaad kale.

"Waxaa noola sheegay in baaris ay socoto, laakiin ma idin siin karo xog dheeraad ah," ayey Hooyo Seynab ku jawaabtay markii wax laga waydiiyay howlgalada lagu ugaarsanayo ragga kufsaday gabadheeda.

– Sheybaarka DNA-ga –

Saraakiil ka socota Sheybaarka DNA-ga ee magaalada Garowe ayaa tegay Galkacyo si ay qayb uga noqdaan baarista, iyada oo shaqsiyaadka haatan ku jira gacanta laamaha amniga la baarayo hidda-sidahooda.

Dhakhaatiirta ayaa xaqiijiyay in dhibane Caasha ay ka qaadeen hida-sadaha si ay ugu raadiyaan ragga fara-xumeeyay.

"Sheybaarka oo qayb ka ah baarista waxaa uu sahlayaa in si fudud loo ogaado kuwa falka sameeyay ha noqdo mid ama wax ka badan," ayuu yiri mid kamid ah khuburada ku howlan kiiska oo ka gaabsaday magaciisa.

– Dil toogasho –

Inkasta oo go’aanka ugu dambeeya ay gaareyso maxkamadda, hadana dadka ka hadlaya kiiskaan ayaa ku baaqaya in manaxaashii falkaan sameeyay la toogto, si meesha uga baxdo in mar kale lagu dhiirado.

"Caasha iyada oo aan cadaalad helin baa la aasey..waxaanu rabnaa in cadaalad ay hesho…oo la toogto kuwii kufsaday," ayey tiri Hooyo Soomaaliyeed oo iyada oo careysan ka hadashay arrintaan.

Kufsigii ugu dambeeyay ee ka dhaca degaanada Puntland ayaa Ka dhacay degmada Galdogob, kaasi oo raggii geystay lagu xukumay dil toogasho, inkasta oo aanan lagu fulin xukunka.

Kiiska Caasha ayaa si wayn isha loogu hayaa waxa uu ku dhamaan doono, iyadda oo ay jirto cabsi ah in uu lamid noqdo kuwii hore, taasi oo hadii ay dhacdo dharbaaxo ku noqon doonto cadaaladda, sida ay qabaan dadka qaarkii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM