​Howlaha guddiga KMG doorashooyinka Puntland oo Garowe lagu daah furay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu daah furayay shaqada guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC), kuwaas oo dhawaan ansixiyeen Barlamanku.

Xafladda daah furka oo lagu qabtay xarunta PDRC, waxaa looga hadlay qaabkii loo taageeri lahaa guddigaas iyo shaqadooda, iyadoo lagula dar-daarmay inay xilkooda u gutaan qaab cadaalad ah.

Gudoomiyaha guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland Axmed Maxamed Cali (Kismayo), ayaa tilmaamay inay rumayn karaan riyada ah in Puntland la gaarsiiyo nidaamka Dimuqraadiyadda, hadii la helo shacab taageersan howlaha horyaal guddiga.

"Mudanayaal, waxaa guddiga horyaalla mas'uuliyad ballaaran iyo howlo baaxad leh kuwaasi oo ay kamidyihiin; wacyi galinta dadweynaha iyo ka dhaadhicinta nidaamka doorashooyinka iyo asxaabta qaybihiisa kala duwan, dib u eegista xeerarka quseeya doorashada, diiwaangalinta ururada siyaasadda, diiwaangalinta codbiyaasha, doorashada golayaasha deegaanka iyo ku dhawaaqista xisbiyadda rasmiga ah ee dalku yeelan doono,"Ayuu yiri Axmed Kismayo.

Wuxuu sheegay in howlahaasi yihiin kuwo u baahan taageerada dowladda, shacabka iyo beesha caalamka, isagoo ballan qaaday inay howshooda u gudan doonaan qaab waafaqsan dastuurka dalka. Dhinacyada taageerada ka gaysan karan fulinta shaqada guddiga sida xukuumadda Puntland, beesha caalamka iyo bulshada rayidka ah, ayuu ka dalbaday inay bixiyaan ballanqaad rasmi ah oo ku aadan taaba galinta howlaha guddiga doorashooyinka.

Nuur Shire Cismaan Gudoomiyaha dallaarada ururada aan dowliga ahayn ee PUNSAA, ayaa dowladda ka cosaday inay howl ballaaran u taallo maadama uu dalku galayo marxalad kale, wuxuuna sheegay inay jiraan caqabado ka hor imaan kara kuwaasi ka xusay, kala xadaynta degmooyinka, wacyigalinta shacabka iyo hubka dhigista bulshada.

Xubno katirsan duubka dhaqanka iyo haweenka ayaa soo dhaweeeyay ansixinta guddiga doorashooyinka Puntland, waxayna ballanqaadeen inay la shaqayn doonaan.

Dhinaca kale xubno kasocda Qaramada Midoobay gaar ahaan UNDP iyo UNSOM, ayaa soo dhaweeyay nidaamkan, waxayna sheegeen inuu faa'iido u leeyahay shacabka islamarkaana bixin doonaan wixii taageero ah.

Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi, ayaa xusay in guddigu haystaan waqti ku filan islamarkaana shaqooyin hor ollaan lahaa loo sii qabtay, wuxuuna ka codsaday inay si dhab ah waddanka ugu shaqeeyaan islamarkaana wixii awoodooda ah ku taageeri doonaan.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabduulaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa dhankiisa beesha caalamka ka dalbaday inay guddiga taageeraan, balse wuxuu uga digay inay qabtaan howlaha ay fulin karaan.

Camay, oo dhinacyo badan ka hadlay, ayaa ballan qaaday inay hirgalin doonaan nidaam xor ah, xalaal ah, caadalad xambaarsan, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay gaarista nidaamka dimuqraadiyaynta Puntland.

Waa munaasabaddii ugu horraysay ee guddigu qabsadaan tan iyo markii bishii hore Barlamanka Puntland ku ansixiyeen Kalfadhi aan caadi ahayn, waxayna islama bishan la kulmeen madaxa UNSOM ee Puntland, kaasi oo ay kala hadleen qaabkii shaqada guddiga KMG doorashooyinka loo taageeri lahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM