​IGAD oo iska fogaysay arrimaha 4.5 ee Garowe looga hadlayo

Image

GAROWE-Wafdi kasocda urur goboleedka IGAD oo soo gaaray magalada Garowe caasumadda Puntland 27 March, 2016, ayaa iska fogeeyay inay ka hadlaan arrimo ku saabsan hanaanka loo marayo doorashada Somalia gaar ahaan habka qabaliga ah ee 4.5, waxaana go'aankaasi qaateen kadib markii laga dalbaday inay ku lug yeeshaan wadahallada u dhaxeeya Puntland iyo wafdiga uu hogaaminayo Ra'ilsa wasaare Cumar Cabdirashiid.

Mas'uuliyiinta IGAD, ayaa cadeeyay inaysan Puntland u imaan ka qayb noqoshada wadahadalladaasi, balse doonayeen dhammaystirka mashruuca lagu dhisayo wajiga labaad ee garoonka diyaaraha Bosaso xarunta gobolka Bari.

Ujeedka safarkooda ayay kala hadleen madaxda Puntland, balse waxaa goobta ku sugnaa Ra'isal wasaare Cumar oo aad u quud-darraynayay inay soo dhexgasho IGAD arrintan lagu doonayo in lagu qanciyo xukuumadda madaxweyne Gaas qaabkii doorashada Somalia loogu salayn lahaa nidaamka 4.5.

Dadaalkaasi ma suuro galin, waxayna si cad u qeexeen inaysan diyaar u ahayn ka qayb galka qorshahan, iyagoo isla maalintaasi 27 March, dib uga laabteen magalada Garowe.

IGAD, ayaa dadaal ugu jirta qaabkii loo dhamaystiri lahaa ballanqaadkii ay ka sameeyeen xafladdii lagu daah furayay madaarka diyaaraha Bosaso, maadaama ay dusha u riteen keenista lacagta lagu dhisayo wajiga labaad ee garoonka.

Sida uu wararka ku helayo Warsidaha Garowe Online, ururka goboleedka IGAD, ayaa kaalmo ka helay sanduuqa waddamada caalamku deeqaha ku ridaan ee lagu magacaabo "International Global Fun", waxayna Puntland kala xaajoonayeen qaabkii ay howsha u bilaabi lahaayeen, waxuuna shir jara'id oo Garowe ku qabtay xoghayah ururka Maxbuub Macallin ku sheegay inay tagi doonaan magalada Bosaso islamarkaana la kulmi doonaan shaqaalihii madaarka dhisay.

Arrintan ayaa timi kadib markii aad loo saadiliyay in wafdigan xoojinayaan wadahallada aan weli la isku fahmin ee looga hadlayo haanaanka doorashada Somalia, maadama ururkan kaalin weyn ku leeyahay siyaasadda dalka Somalia.

Dhinca kale wafdigan ayaa dhammaytirayay hishiis ku aadan xafiis ay ka furanayaa magalada Garowe kaasi oo qorshihiisu soo socday illaa xukuumaddii Madaxweyne Farole, waxaana xafiisku qaabilsanaan doonaan dhinaca ammaanka(Security) maadama IGAD ay sheegtay inay wadaan dadaalo lagu xoojinayo kala warhaynta iyo xasiloonida waddama qaybta ka ah ururkaasi.

Furitaanka xafiiskan ayaa labada dhinac isku waafaqeen, waxayna si qotodheer isula meel dhigeen qaabkii loo dar-dargalin lahaa shaqadiisa.

Shir xarunta Somalia ka dhacay sannadkii hore ayaa wasiirrada arrimaha dibadda ee ururkan waxay ku gorfeeyeen sida ay laga maarmaan u tahay inay IGAD ka shaqayso hormarinta waddanka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Badda Puntland oo “ka hortagay” qorsheyaal abaabulan

Ciidanka ayaa si adag u dardargeliyey sugidda Amniga xeebaha Badweynta Hindiya ee Puntland.

  • Puntland

    15-04-2024

  • 05:29AM

Puntland oo qabatay burcad-badeed $5 milyan ku heshay afduubka markab

Lama xaqiijin in lacagtii madax-furashada ahayd ee la siiyay burcad-badeedda la soo qabtay intii howlgalku socday.

  • Puntland

    14-04-2024

  • 07:31AM