Issimada Puntland oo diidey shir lagu baaqey in lagu qabto Qardho

Image

GAROWE, Puntland- Kulan muddo labo maalmood ah magaalada Garowe uga socdey qaar ka tirsan Issimada Puntland ayaa waxaa laga soo saarey warsaxfadeed ku aadan shir la sheegey in bishaan dabayaqadeeda lagu qabanayo xarunta gobolka Karkaar ee Qardho.

Warsaxafadeed kasoo baxay kulankaan oo saxaafada u akhriyey Islaan Maxamuud Islaan Yasiin ayaa lagu sheegey in dhaqanka oo ahaa buddhiga nolosha iyo kaydka uu leeyahay gobolkani ay caddaatey in kala daadsanaan lasoo gudboonaatey taasoo keentey cod aan loo tashani inuu si sahlan uga soo baxo.

Qoraalkaan oo ku socday hogaanka dhaqanka Somaliyeed iyo saxaafada madaxa banaan islamarkaana ogeysiin la siiyey Dowlada Federaalka, dowlada Puntland, beesha caalamka iyo dowladaha dariska ah ayaa ka koobnaa qodobadaan: 

1- Shirka lagaga dhawaaqey Puntland ee lagu casumey dhaqanka Somaliya ma aha mid loo dhan yahay 

2- Issimada shirkaan ku sugan waxa ay ku baaqayaan iney shir isugu yimadaan Issimada Puntland magaalo madaxda Garowe 15 July, 2016 si looga sii ambaqaado wixii masaalix u ah ummada reer Puntland iyo Somaliyaba.

3- Kadib markii uu qabsoomo qodobka 2aad waxay isla-garteen Issimadu in loo gudbo shir Daarood kasoo dib u dhac iyo caqabad uga timid fulinta la'aanta qodobka hore bishii December 2015 markaa kadibna lagu dhawaaqo shirweyne dhaqan Somaliyeed si loogu xaliyo kala qoqobnaanta iyo dib u dhaca waqtigiisu nagu dheeraadey.

4- Dhaqanka geeska Afrika ee warkani gaarey waxaan ku talineynaa iney baaqi ku ahaadaan fadhiyadooda inta cod mideysan kasoo baxayo Issimada Puntland oo isku duuban 

5- Waxaa ku soo kordhaya Puntland amni darooyin anagoo dhaqan u laheyn amni iyo isku duubni waxay Issimada ku baaqayaan in dowlada iyo shacab si wadajir ah loo Ilaaliyo xasiloonida, midnimada iyo horumarka Puntland lana furo wadahadalo lagu xalinayo khilaafaadka beelaha ayna isxakameeyaan cid kasta oo dhibi kasoo gaartey colaadaha soo noqnoqdey iyadoo ummada Puntland ogyihiin in amni la'aani waxba jireyn.

6- Arrimaha sicir bararka, miciishada iyo dadka abaarahu naafeeyeen oo diiftu weli hayso waxay u baahan yihiin fiiro gaar ah, qodobkaan waxaa lagu qaadi dhigi doonaa ayaamaha shirka ka harey. 

Gabagabdii warsaxdeedkaan kasoo baxey shirka ay isugu yimaadeen qaar ka tirsan Issimada Puntland ayaa sheegey in Ilaahey uga baryayaan guud ahaan Somaliya inuu dhibta iyo colaadaha ka saaro islamrkaana ku taliyey in shacabka la  yimaadaan qorshihii lagaga bixi lahaa soona xulaan xiliga kala guurka ah dadkii fulin lahaa hurumarka Somaliya u baahan tahay.

Kulanka Issimada oo ka bilowdey magaalada Garowe 18 May,2016 ayaa waxaa goob joog ahaa Issimada ay kamid yihiin Islaan Ciise Islaan Maxamad, Islaan Maxamuud Islaan Yasiin, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasin, Suldaan Siciid Maxamad Garaase, Garaad Maxamad Cilmi Shirwac, Garaad Cabdulahi Cali Ciid, Boqor Cabdulahi Axmad Cali Dabagooye, Suldaan Bashiir Suldaan Koonte, Suldaan Maxamad Suldaan Axmad Hurre iyo Issimo kale kuwasoo dhamaan ka hadlay goobta tageerayna qoralkaan.

Qodobada kasoo baxay kulankaan ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Qardho uu ka socdo diyaar-garowga kulan lagu martiqaadey dhamaan odey dhaqameedka Somaliya 21 May, 2016.

Martiqaadka kulankaan ayaa ku soo beegmaya xilli dalka Somaliya ku jiro u diyaargarowga doorasshada labada aqal ee Barlamnka Federaalka Somaliya kasoo weli ansaxinta shuruucda lagu dhaqi lahaa hortaalo aqalka mudanyaasha ee waqtigiisu sii dhamaanayo.

HALKAN KA DAAWO VODEO WARSAXFDEEDKA ISSIMADA PUNTLAND 


NB: Warsaxaafadeedka waxaa soo saaray Isimada kala ah.

1- Islaan Ciise Islaan Maxamed

2-Suldaan Siciid Maxamed Garaase

3-Suldaan Maxamed Suldaan Axmed Maxamuud

4-Suldaan Maxamuud Xasan Cumar

5-Suldaan Cabdulaahi Saalax Cumar

6-Islaan Axmed Islaan Maxamed

7- Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil

8-Garaad Cabdulaahi Dacar Tamaam

9-Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin

10-Garaad Cabdulaahi Cali Ciid

11-Boqor Cabdulaahi Axmed Cali

12- Suldaan Bashiir Muuse Koonte

13-Garaad Maxamed Cilmi Shirwac

14- Islaan Maxamed Islaan Yaasiin

15- Suldaan Cabdisalaan Shiikh Maxamuud

16-Ugaas Cabdulqaadir Cilmi Filig

17-Islaan Maxamed Sandheere

18- Islaan Maxamed Maxamuud

19- Suldaan Siciid Maxamed Irbad

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM