Jariidad dalka Imaraadka kasoo baxda oo saxdey warbixin ay ka qortey Puntland

Image

UAE- Jariidad madax banaan oo kasoo baxda dalka Imaaraadka Carabta magaaladiisa Al-ain ayaa saxdey warbixin khaldan ay horey uga qortey dagaalka Tukaraq iyo siyaasada Puntland ee ku aadan xiriirka maamulkaan la leeyahay wadamada Khaliijka iyo dowlada Federaalka.

Maqaalka dambe ay jariidada Al- ain ka qortey Puntland ayaa waxay cinwaan uga dhigtey “ Xiriirka dalka Imaraadka Carabta iyo Puntland u dhexeeya inuu yahay mid ku dhisan horumarinta iyo la dagaalanka argagiixsida”.

Jariidadaan ayaa daabacdey in xiriirka u dhexeeya maamul goboleedka Puntland iyo wadanka Imaraadka Carabta yahay mid taariikhi ah kaasoo ka kooban dhinacyada dhaqaalaha iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqalaha.

”Tan iyo intii dhidibada loo taagey Puntland 1998 dalka Imaaraadka waxaa uu siiyey maamul goboleedkaan tageero balaaran oo dhinacyo badan leh.”sidaas waxaa qortey Jariidada Al-ain oo kasoo baxda magalaada Al-ain ee dalka Imaraadka Carabta.

Qoraalkaan lagu daabacey Al-ain ayaa sidoo kale lagu sheegey heshiisyada horimarineed ay wada galeen maamulka Puntland iyo shirkado laga leeyahay wadanka Imaaraadka Carabta. Sida heshiiskii shirkada DP World la gashey Puntland kasoo lagu hormarinayo Dekada magalada Boosaaso.

Dhinaca kale maqaalkaan ayaa lagu xusey iskaashiga maamulka Puntland iyo UAE ka yeeshaan la dagaalanka Al shabaab iyo kooxaha burcad badeedka.

Warbixin ay horey uga qortey jariidadaan dagaalka Tukaraq taasoo ay ugu magac dirtey in maamulka Farmaajo iyo dalka Qatar iyagoo adeegsanaya Puntland dagaal ku soo qaadeen Somaliland ayaa yimid kadib markii xog khaldan la siiyey.

Warsidaha GO ayaa ogaadey in jariidadaan ay warbixin khakdan siiyeen qaar ka tirsan jaaliyada Somaliland ee dagan Al-ain kuwasoo u badan degaan ahaan magaladaas.

Somaliland ayaa tan iyo intii uu bilowdey dagaalka Tukaraq ku doodaysay in dagaalkan u dhexeeyo Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Muuse Biiixi ayaa hadalkiisa ugu dambeeyey uu ka jeediyey goob fagaare ah ku sheegey in Farmaajo uu kala hadli karo xaalada Tukaraq isagoo xusey in Puntland  lamid tahay maamulka gobolka Awdal ee ka tirsan Somaliland.

Labada maamul ee Puntland iyo Somaliland ayaa waxay xiriir wanaagsan la leeyihiin dalka Imaaraadka Carabta.

Halkaan ka akhri maqaalka jariidada Al-ain ka qortey Puntland 

GAROWE ONLiNE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM