Juxa oo eedeeyay dowladda Soomaaliya, kashifay-na xog muhiim ah [DAAWO]

Image

LONDON, UK - Murashax Cabdi Faarax Saciid [Juxa], oo kamid ah Siyaasiyiinta isku soo taagay doorashada Madaxwaynaha Puntland ee 2019 oo ka hadlay xaflad ka dhacday London ayaa weerar afka ah ku qaday madaxda Villa Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha dowladda Federaalka, mudane Juxa ayaa ku dhaliilay mas'uuliyiinta dowlada haatan jirta inay iska indha-tirayaan wax-qabadkii dowladihii ka horeeyay, islamarkaana wax kasta ay ka dhigayso mid ay iyaddu sameysay.

"Horta dowladda naaneys bay la baxday, iyaddaa isku bixisay, inagana waanu ugu yeeraynaa. Dowladda waxay la baxday naaneysta ah 'waa markii ugu horeysay' waa markii ugu horeysay oo nala aqoonsado, waa markii ugu horeysay oo uu roob da'o, waa markii ugu horeysay oo meel cagaar ah lasoo arko, waa markii ugu horeysay, waa markii ugu horeysay. Ergayga waa markii ugu horeysay ruuxiisa ayaa noqday ergayga ugu sicir bararka badan marka laga hadlo siyaasada Soomaaliya, isaga ruuxiisa ayaa maanta dacwo ah oo leh war ha i buun-buunina," ayuu yiri Juxa.

- Qadiyadda Qalbi Dhagax -

Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in mas'uul Soomaaliyeed oo ku jira Madaxtooyadda dalka looga arrimiyo uu ku dhiirado inuu Itoobiya u dhiibo muwaadin Soomaaliyeed, sida Qalbi Dhagax.

"Waa markii ugu horeysay ah in Soomaali ah oo jooga Villa Soomaaliya, oo hoos fadhiya calanka Soomaaliyeed oo uu muwaadin Soomaali ah, walaalkiisa ah uu u dhiibo cid kale. Taasi oo ah taariikha wax ku cusub. Qadiyadda Qalbi Dhagax iyo boogteeda ayaa ah taariikhda cusub, taasi oo ah markii ugu horeysay," ayuu Juxa hadalkiisa kusii daray.

Qalbi Dhagax oo haatan dib u helay xorriyadiisa waxay xukuumadda Muqdisho shaaca ka qaaday markii ay bishii Agoosto ee 2017 u dhiibaysay Addis Ababa in isaga iyo Jabhadiisa ONLF ay yihiin "Argagaxiso", kuwaasi oo dhibaato ka sameynayey dalka.

- Sharciga Jinsiyadaha -

Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta ee dowlada Soomaaliya ayaa haatan gacanta ku haysa sharcigan, kaasi oo shaki gelinaya Soomaalinimada, sida uu ka dhawaajiyey Murashax Juxa oo daboolka ka qaaday inuu isaga markii uu xafiiska joogay uu is hor-istaag ku sameeyay.

Marka taariikhda dib loogu noqdo, sharcigaan waxaa la ansixiyey sanadkii 1960-kii. Sida laga soo xigtay xeerkani, qof kasta oo asalkiisu Soomaali yahay waa Soomaali. Balse, xukuumada maanta jirta waxay dooneysaa inay maanta meesha ka saarto taasi, sida uu sheegay Juxa.

"Soomaalinimadu way ka wayn tahay siyaasadda. Waa waxa aynu nahay, waa waxa aynu wadaagno, waa waxa isku kayn haya, ama Jabuuti joog, ama Jigjiga joogo, ama Gaarisa joog, ama Muqdisho joog. Inta ay dowlad Soomaaliyeed jirto, calan Soomaaliyeed leh, ninka Soomaaliga ah wuxuu yeelanayaa xuquuq. Laakiin, arrintaasi miiska ayey saaran tahay. Waana markii ugu horeysay taariikhda ay dowlad Soomaaliyeed su'aal geliso Soomaalinimada," ayuu Murashax Juxa hadalkiisa kusoo xiray.

Puntland ayaa hadda ka socda soo xulista Xildhibaannada Baarlamaanka cusub, iyadoo ay jiraan baaqyo ka imaanaya qeybaha bulshada, oo ku aadan Odayaasha dhaqanka inay soo xulaan Xildhibaano "tayo iyo waxqabad" leh.

Musharaxa ayaa dhinaca kale ka digey in Dastuurka Puntland la isku dayo in wax-laga badalo isagoo sheegey inuu yahay waxa kaliya ee isku haya dadka dagan maamulkaan. Juxa ayaa Xildhibaanada waqtigu kasii dhamaanayo uga digey iney ku cayaaraan amaanada loo dhiibtey mudada yarta ah ee ka dhiman xilkooda.

Madaxweynaha uu waqtigiisa dhamaanayo Cabdiweli Gaas iyo Xildhibaano dhowr ah ayaa lagu eedeeyay inay ka shaqeynayaan qorshe sharci darro ah, oo lagu kha-khal gelinaya doorashada 2019 iyo jiritaanka Puntland.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM