Juxa “Waxaan u sharaxanahay xilka Madaxweynaha Puntland 2019”

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha DFS Soomaaliya iskamarkaana soo noqdey Wasiirka waxbarashada Puntlan sanadihii 2009-2014 Cabdi Faaraxa Siciid Juxa ayaa xalay 09 Augost 2018 ku dhawaaqay inuu u taaganyahay xilka Madaxweynaah Puntland ee 2019.

Xaflad uu ku shaacinayay ololahiisa doorasho oo ay ka qaybgaleen qaar kamid ah ragga u sharaxan xilkaas ayaa lagu qabtay magaalada Garowe.

“Waxan isku sharraxay idinka waxaan u baahnahay gacantiina iyo taageeridiina,” sidaas waxaa yiri Cabdi Faarax Juxa oo hadalkiisa ku daray, "Waxaan u mahad naqayaa madaxwayne cabdiraxmaan Faroole oo fursad ii siiyay tijaabo siyaasadda oo ii magaacabay wasiirka waxbarashada Puntland. Sidoo kale waxaan mahad u celinayaa madaxwayne farmaajo oo fursad ii siiyay in xil kasoo qabto wasaaradda arrimaha gudaha Somaaliya".

Mar uu ka hadlayay qayb kamid ah ajandihiisa siyaasadeed iyo waxyaabaha uu diiradda saari doono wuxuu ugu hormariyay Amniga isagoo tilmaamay inuu kala tashan doono cidda ehelka u ah.

"Haddii lay doorto waxaa kow u ah qorshahayga Amni dhammaystiran oo ay Puntland hesho. Waxaan dhisaya amniga Puntland anoo u maray cidda shaqadeeda aqoonta u leh. Waxaan awood saarayaa koboca dhaqaale. Waxaan ka baaran dagayaa oo dul istaagay sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha Puntland oo leh gacan ammaan ah,” ayuu yiri Juxa.

Juxa ayaa sidoo kale ballanqaaday hadii xilkan loo doorto inuu kala saari doono hay’adda dowladda ee hadda isku xiran sida Garsoorka iyo fulinta si loo helo caddaalada.

"Waxaan kala saari doona hay'adaha dawladda sare sida garsoorka fulinta iyo sharci dajinta.. Waxaan idinku matali doona taariikhdiinna himiladiina tabashadiina maqaamkina iyo miisaankiina,” Murashax Juxa ayaa hadalkiisa ku daray.

Arrinta Gobolka Sool ayuu soo hadal qaaday wuxuuna Muuse Biixi ku eedeeyay inuu yahay ruuxa mas’uulka ka ah dhibka ka taagan deegaanada gobolkaas.

"Dadka reer Puntland iyo Somaliland waa dad nabad ku nool o ka shaqeeyay horumarkooda kana tilmaaman Soomaaliya. Madaxwayne Muuse oo ah nin ciidan ah garanayana dhibaatada colaada waxaan leeyahay si nabad ah uga bax gobollada Sool iyo Sanaag. Arrintan waxaa go'aankeeda iska leh dadka reer Sanaag iyo Puntland. Muuse biixi oo go'aanka nabadda iyo colaadda gobolladaas gacanta ku haya waxa ku codsanayaa inu nabad uga baxo gobolladaas."

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ku eedeeyay inay faraha kula jirto burburinta nidaamka federaalka, sidoo kale ay faraha la gashay Jaahwareer dhinaca arrimaha Dibadda ah gaar ahaan Canada iyo Sucuudiga oo uu sheegay in xukuumadda Muqdisho aysan wax door ah ku lahayn.

Wuxuu ka horyimid tallaabada lagula saftay Sucuudiga ee looga soo horjeestay Canada oo ku tilmaamay inuu yahay waddan martigaliyay dad Soomaaliyeed oo ka barakacay dhibaatadii waddanka ka dhacday.

“Federalku wuxuu ku samaysmay dadaal ay Puntland dawr wayn ku lahayd. Dhismahiisuna waa mid socda waxase muuqata dheelli. Dheelligaas oo ah awoodda garsoorka fulinta iyo kii sharci dajinta oo isku qasan. Taas oo khatar ku ah inay dhacdo dood loo siman yahay o ku dhacda talo wadaag. Sidoo kale maamul gobolleedada waxaa ka jro faragalinno ay u baahan tahay in wadaddeeda sharciga ah loo maro. Arrimaha dibadda oo u astaysan dawladda federaalka waxaa ka muuqda qarda jeex oo ay ugu dambaysay khilaafka Canada iyo Saudi Arabia. Labada dal oo mid walba xiriir nagala dhaxeeyo. Eretrtia iyo jabuuti sidoo kale Qatar iyo Imaraadka . Waxaa la yaabka ah in dawladda federaalka ah ay mar walba dhex gasho kiis walba o dawladaha adduunka ka dhex dhaca" Murashaxa ayaa sidaas ku sheegay khudbadii uu jeediyay.

Ugu dambayn wuxuu ka digay in DFS ay faragalin ku samayso doorashada Puntland la filayo inay ka dhacdo 2019.

Shaacinta Murashaxnimada Juxa ayaa kusoo aadaysa xilli muddo kooban ay naga xigto waqti hayntii xukuumadda Cabdiwali Gaas oo lagu eedeeyo inay ku fashilantahay ballanqaadkii ay sameeyeen 5 sano ka hor oo ay ugu horayso hirgalinta nidaamka Dimuqraadiyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM