Khayre oo ku wajahan Puntland, muxuu ka oran doonaa colaada Tukaraq?

Image

GAROWE- Warar warsidaha Garowe Online ogaadey ayaa sheegaya in dowlada Puntland qorsheyneyso in Ra'isal wasaaraha dowlada Federaalka Soomaalia ku casunto inuu booqasho ku yimaado magaalo madaxda Garowe maalmo ka hor sanadguurada 20aad ee markii maamulkaan dhidibada loo taagey.

Ra'isal wasaare Khayre oo safarkaan ay ku weheliiyaan xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa hadii sida la qorsheynayo u dhacdo imaanshihiisa Garowe ayaa waxay noqneysaa markii ugu horeysay uu booqasho ku yimaado maamulka Puntland tan iyo inta xilkaan loo doortey.

Inta aan la gaarin, sida warsidaha Garowe Online ogaadey habeenka la xusayo sanadguurada markii dhidibada loo taagey maamulka Puntland oo ku beegan 1 August,2018 ayaa waxaa la filayaa in kulamo dhexmaraan labada dhinac kuwasoo la sheegey in lagaga hadli doono heshiisyo horey labada dhinac u gareen iyo in la saxiixo kuwo cusub.

Ra’isal waaare Khayre oo aad ugu mashquulsan arimaha shidaalka islamarkaana kamid ah shirkada Samaoil inata uusan xafiiska qaban ayaa la filaya in Madaxweyne Gaas u saxiixo heshiisyo is qabyo ahaa inta xilku ka tagin.

Booqashada Khayre ayaa ku soo beegmeysa dhinaca kale xilli colaad ka taagan tahay tuulada Tukaraq halkaas oo ay isku hor-fadhiyaan ciidamo ka tirsan Puntland iyo Somaliland. Dowlada Federaalka ayaa qaboojinta coladaan marka laga reebo warsaxafdeedyo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha iyo xiriiro hoose ay Villa Soomaaliya la sameysay dhinacayada ku lug leh dagalkaan ayaan waxbadan ka gaysan sidii loo qaboojin lahaa dirirta u dhexeeya labadaan maamul ee dariska ah.

Ra'isal Wasaare Khayre oo inta badan aan muhiimad badan siin dhibaatooyinka amni, dhaqaale iyo bulsho ee ka jira dalka Soomaaliya intiisa kale ayaa intii colada Tukaraq bilaabatey aan wax hadal ah ka soo saarin sidii loo qaboojin lahaa dagaalkaan.

Maamulka Somaliland ayaa qabsadey tuulada Tukaraq sanadkaan bilowgiisa bishiisa "January" xiligaas oo magaalo madaxda Garowe uu ku sugnaa Madaxweynaha dowlada Federaalka ah Maxamad Cabdulahi Farmaajo oo xiligaas booqasho ku marayey Puntland. Farmaajo ayaan ka hadlin inta uu ku sugnaa Puntland duulaanka Somaliland ku qabsatey Tukaraq taasoo aheyd talaabo xasilooni daro ka abuurtey maamuladaan iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Gaas oo qorsheynayey in habeenkii 8 January, 2018 sameeyo xafalad uu ku xusayo markii loo doortey xilka Madaxweynaha Puntland ayaa baajiyey munaasabdaas taasoo uu damacsanaa in Farmaajo goob joog ahaado.

Waxaa waqtigaan aad u wanaagsan xiriirka u dhexeeya Madaxweynaha xilka ka-sii dhamaanayo ee Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas iyo dowlada Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM