Khilaaf soo kala dhex-galay Madaxweyne ku-xigeenka iyo Barlamanka Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Wararka uu helay Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey iyo xubno katirsan Barlamanka Puntland.

Khilaafkan ayaa wararku sheegayaa inuu salka ku hayaa deeq maamulka Puntland uu ka helay dowladda Federaalka Somalia, taasoo loogu talo galay dadka abaaruhu saameeyeen ee ku sugan gobollada Puntland.

Deeqdan oo gaaraysa 250.000 dollar ayaa xogto sheegaysaa in qayb kamid ah magaalada Muqdishu ku qaateen Xildhibaanada kasoo jeeda gobollada Sool iyo Sanag kuwaas sheegay inay wakiil ka yihiin deegaanadooda, halka qaybtii loogu talo galay gobolka Mudug uu iyadoo Kaash ah gaarsiiyay Madaxweyne ku-xigeenka oo dhawaan booqasho ku tagay.

100 kamid ah lacagtaas oo loogu talo galay gobollada Nugal iyo Bari ayaa dhawaan waxaa lagu wareejiyay hay’adda Biyaha iyo Tamarta Puntland ee loo yaqaano BASAWEYN taasoo dowladdu ka codsaday inay kusoo gado baabuur biyo loogu dhaamiyo dadka abaaraysan.

Waxaa jira in horay dowladdu lacag deeq ah ugu gaday gawaari Booyado ah.

Tallaabadan ayaa waxaa ka horyimid Xildhibaanada kasoo jeeda labaad gobol oo sheegay inaysan munaasabad ahayn in lacagtaas lagu gado gawaari xilli kuwii hore joogaan, waxayna ka codsadeen Madaxweyne ku-xigeenka inuu lacagtaas ku wareejiyo guddiyada culimada si raashin iyo agab kale loogu iibiyo dadka xooluhu dhaafeen.

Tallaabadan ayaa keentay is-mari waa u dhaxeeya labada dhinac, waxaana xogta uu helayo Garowe Online sheegaysaa inaan wali xal laga gaarin.

Khilaafkan ayaa soo baxay xilli Camey uu hormuud ka yahay guddiga gurmadka abaaraha ee dhinaca dowladda, waxayna soo baxday xilli waddanka uu ka maqanyahay Madaxweyne Gaas.

FG: Wixii warbixintaas kasoo kordha waxaana idiin kusoo gudbin doonaa wararkeena dambe

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM