Puntland: Kiisaska Corona oo dhaafay 100 xilli uu dhintay qofkii shanaad

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga dowladda Puntland u qaabilsan ka hortagga Coronavirus ayaa shaaciyey in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-geliyeen 13 kiisas cusub oo ah safmarka Covid-19.

Bukaanadda cusub oo wadarta guud ka dhigaya 111 ayaa waxay kala joogaan Bari, Nugaal iyo Mudug, sidda ku xusan warbixinta maalinlaha ah ee guddiga wacyi-gelinta.

Sidda laga soo xigta warbixinta oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, Mudug waxaa ku sugan Shan bukaan, Nugaal iyo Bari waa min afar ruux.

Tani ayaa ka dhigan in xaaladaha caabuqa ee degaanada Puntland ay dhaaftay 100, taas oo suurtagal ay tahay in sarre uga kacdo saacadaha soo aadan.

Sidda lagu xaqiijiyey qoraalka kasoo baxay guddiga, lix kamid ah shaqsiyaadka lasoo wariyey in uu haleelay xanuunka ayaa ah Lab ama Rag, todoba kelana waa dumar ama Dhedig.

Afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay waxaa la xaqiijiyey hal dhimasho. Geerida waxay noqotay shan, tirada bogsatay waxay wali ku taagan tahay saddex.

Dhanka kale, guddiga ayaa ku booriyey dadweynaha Puntland in ay ku dhaqmaan talooyinka caafimaad ee kaga imaanaya dhakhaatiirta iyo shaqsiyaadka aqoonta u leh culuumta caafimaadka.

Puntland ayaa hormuud u ah ololaha xakameynta caabuqa sidda fudud u faafa ee guud ahaan degaanadda Soomaaliya, waxaana maamulka uu soo rogay talaabooyinka looga hortagayo fayruskaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM