Kooxda Al-shabaab Puntland oo damacsan iney ku biirto Daacish

Image

23 October, 2015 (GO)- Kooxda al-shabaab ee fadhigeedu yahay buuraleyda Golis ayaa wararka laga helayo sheegayaan in ay qorsheynayaan sidii ay ugu biiri lahaayeen ururka islaamiga ah ee Daacish ee ka dagaalama dalalka Ciraaq iyo Siiriya.

Warsidaha GaroweOnline ayaa ogaadey in kulamo joogta ah ee u socdey maalmihii lasoo dhaafey madaxda Al-shabaab buuraleyda Golis go'aansadeen in heshiis la galaan hoggaamiyaha ururka Daacish Abu Bakar Al-Baghdadi.

Cabdulqaadir Muumin, Gacamey, Kutubo, Bashir Shire oo kawada tirsan hogamiye-yaasha ururka Al-shabaab ee buuraleyda Galgala ayaa ka-wada hadalka go'aankaan lagu gaarey kawada qayb galey.

Wararkan ayaa sheegaya in Cabdulqaadir Muumin uu go'aankaan ku dhawaaqey kulamadaan kadib isagoo fariinta u gudbiyey hogaanka Al-shabaab ee ku dhuumaaleysta koonfurta Somalia balse lagu gacan sayrey.

Ururka Al-shabaab ee fadhigiisu yahay koonfurta Somalia ayaa bilihii lasoo dhaafey waxaa u dhexeeyey muran ku saleysan in lagu biiro kooxda Islaamiga ah ee Daacish iyadoo la xirxirey 30 qof oo isugu jira ajaanib iyo Somali kuwasoo wadey kacdoon hoose.

Ajaanibtaan iyo Somalida ka tirsan xubnaha hoose ee Al-shabaab ayaa u ololeyneysay sidii loogu biiri lahaa kooxda Islaamiga ah ee Daacish ee ka dagaalama wadamada Ciraaq iyo Siiriya.

Warar lagu kalsoon yahay oo warsidaha Garowe online ka helayo sirdoonka Jubbooyinka ayaa sheegaya in saraakiisha loo xirey kacdoonkaan ku biiritaanka ururka Daacish ay kamid yihiin Maxamed Cabdullaahi Sardheeye oo hore dhinaca xisaabaadka lacagaha ugu qaabilsanaa ururka Al-Shabab magaalada Kismaayo iyo nin lagu magacaabo Khaalid Caytamow oo isagu qaabilsan qaybta dacwada gobolada Jubooyinka

Dadka la socda arrimaha ururada Islaamiga ee ka dagaalama Somalia ayaa aaminsan in talaabadan macnaheeda tahay  in al-shabaab buuraleyda Galgala qorsheyneyso sidii tageero dhaqaale uga heli laheyd kooxaha Daacish ee ka dagaalama dalka Yamen iyo Liibiya.

Dalka Yamen oo ay ka socdaan dagaalo sokeeye ayaa waxaa dhinaca kale xoogeysanaya raadka ay ku leeyihiin kooxaha Islaamiyiinta gaar ahaan ururka Daacish oo halkaas dhowaan ka gaystey weararo Ismiidaamin ah.

Qorshaha ururka Al-shabaab ee buuraleyda Galgala ayaa imaanaya maalmo kadib markii khubarada hay'ada Qaramada Midoobey u qaabislan ilaalinta cunaqabateynta hubka dalalka Somalia iyo Eriteria ku eedeyeen xukuumada madaxweyne Gaas inuu ka gaabiyey la dagaalka kooxdaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM